4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 27, 2013
Cudur aan la garanayn oo dad badan ku dilay Deegaanno ka Tirsan Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dalka Soomaaliya

Arbaco, November 27, 2013 (HOL) — Cudur aan la garanayn ayaa in 40-qof ka badan ku dilay ku dilay deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan deegaannada Ceel-cali iyo Buqda oo 75-km u jira magaalada Baladweyne, sida uu sheegay dhakhtar ku sugan Baladweyne.

Cudurkan ayaan illaa hadda la ogeyn, iyadoo Dr. Axmed Maxamed Khaliif oo ah agaasimaha isbitaalka Baladweyne ayaa sheegay in cudurkan wax laga qaban karo oo keliya marka si dhab ah loo ogaado wuxuu yahay.

“Cudurkan waxaa bishii Ogoosto ee sannadkan lagu arkay deegaanka Moqo-kori oo ka tirsan gobolka Hiiraan, waxaana markii baaris lagu sameeyay loo maleynayaa inuu yahay cudurka dabeysha,” ayuu yiri Dr. Khaliif oo la hadlay idaacadda VOA-da laateeda afka Soomaaliga isagoo ku sugan Baladweyne.

Sidoo kale, dhakhtarka wuxuu sheegay in qof lagu arkayo qandho iyo qofka oo noqonnaya curyaan, toddobaad gudihiisna uu cudurku u dhimayo, balse aanay hadda jirin dad soo gaaray Baladweyne si baaritaan lagu sameeyo.

Dhakhtarka ayaa sheegay in cudurkan uu markii hore ku dilay deegaanka Moqo-kori labaatameeyo qof, saddex qof oo kale oo Isbitaalka Baladweyne la keenayna ay u dhinteen, haddana uu ku dilay deegaanka Ceel-cali dad ku dhow afartameeyo kale.

“Cudurkan wuxuu fara ba’an ku hayaa deegaannada Ceel-Cali iyo Ceel-dheer oo ka tirsan Ceel-cali iyo iyo Buq-aqable, mana jiraan cid halkaas weli naga soo gaartay,” ayuu yiri agaasimaha isbitaalka Baladweyne.

Mar uu ka hadlay qorshahooda ku aaddan wax ka qabashada cudurka ayaa sheegay in Isniintii ay shir isugu yimaadeen si cudurkaas wax looga qabto, balse wax laga qaban karo maadaama ay Al-shabaab ka taliso oo aan la taki karin.

Agaasimuhu wuxuu sheegay in 15-qof ay cudurkan u jiifaan meel ka tirsan deegaanka Ceel-cali, iyadoo ay warbixinta cudurka ka heleen qaar ka mid ah dadka deegaanka oo lasoo xiriiraya ehelladooda iyo kuwo iyaga lasoo xiriiray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya