4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Ciidamada Maamulka Jubba oo Kismaayo ka sameeyay Howlgallo ay dad ku soo Qab-qabteen iyo Bandow saran Magaalada

Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Ciidamada maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta magaalada Kismaayo ka sameeyay howlgallo ay kusoo qab-qabteen 51-qof oo la sheegay inay yihiin kuwo lagu tuhunsan yahay inay gacan-saar la leeyihiin Al-shabaab.

Haaruun Xaaji Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan nabadsugidda maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka ay howgalkii maanta kusoo qabqabteen ay yihiin kuwo la tunusan yahay, balse ay mari doonaan baaritaanno ciddii aan dambi yeelanna lasii dayn doono.

“Maanta waxaa howgallo la sameeyay lagu soo qabqabtay 51-qof oo tuhun laga qabo, waxaana la dhisay xabsiga, ciddii tuhunka uu ku caddaado waxaa la horgeyn doonaa maxkamad, balse qofkii aan dambi yeelan waa la sii dayn doonaa,” ayuu yiri Haaruun.

Howlgallada lagu soo qabqabtay 51-qof ayaa ka dhacay suuqa weyn ee loo yaqaan Balcadka iyo qaybo ka tirsan xaafadda Calanley ee Kismaayo, iyadoo sarkaalka u hadlay maamulka uu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu xaqiijnayo ammaanka.

Dhanka kale, waxaa magaalada Kismaayo saaran bandow habeenkii ah oo billaabanaya salaadda cishaha kaddib, kaasoo soconaya illaa aroornimada hore ee maalinta xigta, iyadoo la sheegay in bandowgan uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii weerar lagula bartilmaameedsaday bil ka hor magaalada Kismaayo hoggaamiyaha maamulka Jubba, Sheekh Axmed Madoobe, inkastoo aysan waxba kasoo gaarin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya