4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Madaxweyne ku Xigeenka Uganda oo Madaxda Dalalka Carabta & Afrika ugu baaqay inay Taageeraan Howl-galka AMISOM


Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka dalka Uganda, Edward Ssekandi ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Carabta iyo Afrika in ay gacan ka geystaan howlgalka nabad soo celinta Soomaaliya, isagoo xusay in howshan ay udub dhxaad u tahay nabadda iyo degenaashaha gobolka.

Ssekandi ayaa hadalkan ka sheegay shirkii Carabta iyo Afrika oo dhawaan ka dhacay dalka Kuwait, isagoo xusay in dalkiisu uu doonayo inuu arko Somalia oo deggenaasho ay ka jirto, wuxuuna intaas ku daray in dalkiisu u si gaar ah u daneynayo nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika.

“Qaramada Midoobay waxaan ku boorrinayaa inay kordhiso taageerada ay ku bixinayso howgalka nabad soo celinta Soomaaliya,” ayuu yiri Ssekandi oo hoosta ka xariiqay in hanjabaadaha argagaxisada xagjirka ah ay tahay mid ku wajahan dalalka dhaqaalaha iyo horumarka gobolka oo dhan.

Madaxweynaha Uganda ayaa soo dhaweeyay fikirka ku xigeenkiisa, isagoo ku tilmaamay mid horseed u noqon kara nabad iyo xasillooni ka hirgasha guud ahaan Afrika, wuxuuna ku taliyay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan kumannaan askari oo ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyagoo hoggaaminaya howl-galkan oo ay qayb ka yihiin ciidammo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya iyo Jabuuti.

Itoobiya oo ay ciidammo kaga sugan yihiin Somalia ayaa iyaduna dhawaan ku dhawaaqday inay ku biirayso AMISOM, waxaana ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya uu sheegay in go’aankan ay qaateen si ay u xoojiyaan dagaalka Al-shabaab lagula jiro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya