4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta u ambabaxay waddanka Kenya oo ay kaga qaybgalayaan Ciyaarayaha Bariga iyo Bartamaha Afrika (SAWIRRO)


Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Xulka kubadda cagta ee Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ka dhoofay magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Kenya oo ay kaga qayb-galayaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Tababaraha xulka Qaranka Soomaaliya, Maxamed Cabdulle Fara-yare oo la hadlay HOL ayaa sheegay in sannadkan ay filayaan guul weyn kasoo hayaan ciyaaraha, maadaama ay sannado badan guul-darrooyin lasoo kulmeen.

“Sannadkan rajo wanaagsan ayaan qabnaa, waxaana filayaa inaa guul kasoo hoyn doonno ciyaarahan,” ayuu Fara-yare u sheegay HOL, ka hor intii aysan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Xulka Soomaaliya ayaa wuxuu la ciyaari doonaa Dalalka Zambia, Tanzania iyo Burundi, kuwaasoo ah xulal adag, balse tababaraha xulka Soomaaliya ayaa sheegay in sannadkan ay aad ugu diyaar-garoobeen ciyaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan ka qayb-galay ciyaar ka tirsanayd horyaalka heerka koowaad ee dalka Soomaaliya oo ka hadlayay garoonka Banaadir Stadium ayaa sheegay in xulka Qaranka uu u rajeynayo inay guul kasoo hoyaan ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.

Ciyaartoyda xulka Qaranka Somalia ayaa waxay raaceen diyaaradda Jubba Airways, taasoo ku socotay magaalada Nairobi ee xarunta Kenya, iyadoo la filayo cayaarahaan daawashadooda in ay ka soo qayb-galaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya