4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2013
Kooxo hubeysan oo saaka dilay Garsoorihii Maxkamadda Degmada Huriwaa iyo is-rasaaseyn uu ku dhintay Qof rayid ah

Sabti, November 23, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa saakay aroortii ku dilay suuqa degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir garsoorihii maxkamadda degmada Huriwaa sida uu sheegay wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta dowladda Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur, isagoo sheegay in kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa degmada Huriwaa ayaa sheegay in kooxaha hubeysan oo laba ruux ka koobnaa ay toogasho ku dileen marxuumka, markaas kaddibna ay billaabatay is-rasaaseyn dhexmartay kooxahaas iyo askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Laba ruux oo loo maleynayo inay Al-shabaab ka tirsan yihiin ayaa toogashada geystay, balse wax yar kaddib ayaa waxaa kaddib billaabtay is-rasaaseyn dhexmaray askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxihii hubeysnaa, waxaana rasaastii dhexmartay ay dishay haweeney rayid ah oo canjeero dubanaysay," ayuu yiri goobjoogayaashii halkaas ku sugnaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo markiiba goobta soo gaaray ayaa halkaa ka billaabay howlgallo ay ku baadi-goobayaan kooxihii dilka geystay, iyadoo la sheegayo in ciidamadu ay galayaan guryaha ku dhow suuqaas, si ay uga baaraan kooxahaas.

Wasiirka garsoorka, C/llaahi Abyan ayaa sheegay in marxuumka la dilay lagu magacaabi jiray, Xasan Nuur Maxamed ayna toogteen kooxo hubeysan isagoo ku socda shaqadiisa, wuxuuna wasiirku sheegay in kooxahaas ay baxsadeen.

"Marxuumka waxaa dishay gacan ka gar-daran, wuxuuna ahaa garsoorihii maxkamadda degmada Huriwaa, kooxihii dilayna way baxsadeen," ayuu yiri Abyan oo intaas ku daray in ciidamada dowladdu ay baad-doon ku hayaan kooxihii dilkaas geystay.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan iyo rasaastii ay ku dhimatay haweeneyda rayidka ah, balse degmada Huriwaa aya lagu tiriyaa goobaha ay ku xooggan yihiin kooxaha taabacsan Al-shabaab.

Dilalka gaadmada ah ee lagu kalo shaqaalaha iyo ciidamada dowaldda Soomaaliy ayaa inta badan ka dhaca Muqdisho, iyadoo hay’adaha ammaanka dowladdu ay sheegaan inay wax ka qabanayaan kooxaha falalka ammaan-darrada ah ka geysanaya Muqdisho.

Al-shabaab oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM ayaa horay u sheegay inay xoogag taabacsan ku sugan yihiin Muqdisho ayna fulin karaan howlgalkii loo baahdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya