4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Rag ku lebisan direeska ciidamada oo dhac iyo dil ka geystey mid ka mid ah Kaamamka Barakacayaasha ee Magaalada Boosaaso

Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Hal qof ayaa dhintay labo qof oo kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kaddib markii tobannaan qof oo kamid ah dadka ku dhaqan xeryaha barakacayaasha ee ku yaal bariga magaalada Boosaaso ay isku dayeen in ay qabtaan labo nin oo hubeysan oo halkaas dhac ka geystey.

Nimanka dhaca geystey oo ku hubeysnaa qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca, islamarkaana ku lebisnaa direeska ciidamada, ayaa waxaa baacsaday dadweyne caraysan oo wata ulo, dhagxaan iyo tooreeyo, waxyar kaddib markii ay dhac u geysteen goob ganacsi oo ku taal kaamka Sheekh Abbo.

Rasaas ay nimankaasi rideen si ay isaga reebaan dadkii eryanayey, ayaa waxaa ku dhintay hal qof iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen labo qof oo midkood uu wiil yar yahay.

Qofka dhintay iyo labada dhaawaca ah ayaa dhamaantood ka tirsanaa bulshada xeryahaas ku dhaqan, waxaana laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee mid kamid ah labada qof ee dhaawaca ah, kaas oo xilligan lagu dabiibayo isbitaalka weyn ee degmada Boosaaso.

Dhinaca kale, ciidamada booliska oo goobta ay wax ka dhaceen daqiiqado kaddib gaarey, ayaa gacanta kusoo dhigay labadii nin ee falalka dilka iyo dhaca isugu jira geystey.

Taliyaha saldhigga booliska ee Mijir oo ku yaal xaafadda Biyo-kulule, Gaashaanle Xaamud Salaad Cismaan, ayaa Hiiraan Online u sheegay in boolisku ay raggaas gacanta kusoo dhigeen dhowaanna maxkamad lasoo taagi doono.

Mar aan weydiiyey in ay ciidanka ka tirsan yihiin iyo in kale, wuxuu ii sheegay in aysan askar ahayn, haseyeeshee ay yihiin -sida uu hadalka u dhigay- burcad dharka ciidamada wax ku dhaca.

Dhowr mar oo hore qaar kamid ah guddoomiyeyaasha xeryaha ay dadka barakacayaashi ahi ku dhaqan yihiin, ayaa warbaahinta u sheegay in xilliyada qaar rag hubeysan kuna libisan direeska ciidamadu ay kaamamka barakacayaasha falal xatooyo iyo kufsi isugu jira ka geystaan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya