4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Dibadbax looga soo Hor-jeeday Dowladda Soomaaliya oo Maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland (SAWIRRO)


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe oo ah xarunta Puntland ayaa maanta oo Jimco ah waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaasoo ay boqolaal qof ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo kasoo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe.

Dadweynahan mudaaharaadka sameeyay oo sitay boorar ay ku qoran yihiin erayo ay kaga soo horjeedaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen inay kasoo horjeedaan siyaasadda dowladda uu horkacayo Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan Shabeellada Dhexe.

“Madaxweynaha Soomaaliya siyaasaddiisu waa u muuqata in la doonayo in dib dalka loogu celiyo dagaalladii sokeeye. Waxaana dowladda ka codsanaynaa inay dhibaatada ka qaaddo shacabka gobolkaas ku nool,” ayay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah dibadbaxayaasha.

Nabaddoon, Mukhtaar Abuukar Xuseen oo ka mid ah waxgaradkii ka qaybgalay dibad-baxa ayaa sheegay sheegay inay ka xun yihiin in hubkii dowladda lagu laayo shacabka gobalka Shabeellada dhexe, gaar ahaan sida uu sheegay dadka kasoo jeeda beelaha Jareerta. iyadoo dibadbaxyaashan ay ka mid yihiin dadba barakac ahaanta ku joogay Garoowe sannadihii la soo dhaafay.

“Beesha caalamka waxaan ugu baaqaynaa inay wax ka qabtaan dagaalka ay dowladda Soomaaliya kawaddo gobalka Shabeellada dhexe, qabiillo gaar ah ayaa dhul-ballaarsi kawada gobolka, kuwaasoo dowladda taageero dhinac walba ah ka haysta,” ayuu yiri Nabaddoon Mukhtaar oo dibadbaxa hadala ka jeediyay.

Sidoo kale, haweeney ka mid ah dibadbaxayaasha oo lagu magacaabo, Faadumo Maxamed Dalaash ayaa sheegay inay saamayn xoogan ku yeelatay haweenka fatahaada wabiga Shabelle kaasoo si aan kala go’ lahayn ugu fatahaya Jowhar muddo saddex bilood ah, iyadoo xustay inay dhibaatadaas ugu darsantay shacabka ku nool gobolkaas kufsi iyo dilal aan kala sooc lahayn.

“Dowladda Somalia waxaan kala noqonnay kalsoonidii aan u haynay kaddib markii ay wax ka qaban wayday dagaallada, fatahaadda iyo horumarinta gobolka,” ayay yiraahdeen dibadbaxayaasha qaarkood oo qaylinaya.

Xaaji Muuse Cismaan Caray oo ka mid ah dadkii dibadbaxaas ka qaybgalay ayaa sheegay in dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Shabellada dhexe ay ka dambeyso dowladda federaalka, ayna tahay mid aan marnaba loo dul-qaadan karin, isagoo xusay in beesha Jareer-wayne looga baahan yahay in ay ka dhiidhido gumaadka iyo dagaallada siyaasadeysan ee lagu hayo.

Mudaaharaadkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka dhaca Puntland. Iyadoo la xusuusto in Puntland ay bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee Soomaaliya.





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya