4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho kusoo laabtay isagoo sharraxay shirkii uu kaga soo Qayb-galay Dalka Kuwait (SAWIRRO)


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa dib ugu soo laabtay maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka iyo xubno isugu jiray wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiisha ciidamada qaarkood.

Guddoomiyaha saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha ayaa sharaxay safarkii shaqo ee ay ku tageen dalka Kuwait halkaasoo uu uga qeyb-galeen shirkii madaxeedka Carabta iyo Afrika iyo khudbaddii uu ka jeediyay.

"Shirkaas waxaan kaga qaybgalay magaca madaxweynaha Soomaaliya, waxaana madaxdii kasoo qaybgashay ay isku afgarteen in maal-gashiga ay Carabtu ku sameysanayso dalalka Afrika uu noqdo mid ay siyaasaddu hoggaaminayso," ayuu yiri Jawaari oo sheegay inuu si weyn isku bedelay xiriirka dalalka Carabta iyo kuwa Afrika.

Jawaari ayaa tilmaamay in kulammo gaar-gaar ah uu lasoo qaatay madax ka kala tirsan caalamka sida madaxweynayaasha iyo guddoomiyeyaasha qaar ka mid ah baarlamaannada Carabta iyo Afrika, isagoo xusay in dhamaantood uu u gudbiyey fariinta uu ka siday madaxweynaha Somalia, taasoo salka ku haysay in Soomaaliya ay diyaar ugu tahay inay soo dhaweyso dal kasta oo maal-gashi ku sameynaya dalka iyo sida loogu baahan yahay in Carabta iyo Afrika ay ka qayb-qaataan gurmadka loo fidinayo dadkii ay saameynta weyn ku yeelatay duufaantii ku dhufatay deegaannada Puntland qaarkood.

Intaas kaddib guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kormeeray xarunta golaha shacabka oo dib u habeyn lagu sameeyay; gaar ahaanna qaybta ay shirarka ku yeeshaan xildhibaanada golaha shacabka oo lasoo gabagabeeyay howshii dib u habeynta ahayd ee laga waday.

Imaanshaha guddoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa waxay imaanaysaa xilli shalay oo Khamiis ahayd loo gudbiyay baarlamaanka mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon oo uu khilaaf kala dhexeeyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Mooshinkan ayaa ah mid ay xildhibaannada gudbiyay ku dalbanayaan in xukuumadda Soomaailya lagala laabto kalsoonidii uu baarlamaaku siiyay ee ay ku shaqeynayso, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ka soo bixi waday howshii loo idmaday.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in mooshinkan uu ka fariisto toddobaadka nagu soo fool leh si uu go'aan uga gaaro, iyadoo horay uu ra’iisul wasaaruhu u sheegay in khilaafka isaga iyo madaxweynaha u dhexeeya oo ah mid dastuuri ah lagu dhameyn karo hab dastuuri ah oo keliya.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya