4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Dood adag oo Dhexmartay Waxgaradka Gobolka Hiiraan iyo Wafdi ka socda Dowladda oo Maanta Gaaray Baladweyne (SAWIRRO)


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Wafdi ballaaran oo isugu jiray wasiirro iyo qaar ka mid xildhibaannada baarlamaanka oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xusseen Guuleed oo ay ka mid ahaayeen wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Max’ed, taliyaha booliiska Soomaaliyeed iyo xubno kale ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa booqday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo Taladaadii aynu soo dhaafnay weerar isugu jiray Ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab, iyaga oo u kuur-gallay khasaaraha iyo bur-burka ka dhashay qaraxa, waxaana halkaa warbixin ku siiyay saraakiisha ciidamada booliiska maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee goob jooga u ahaa weerarkii dhacay lagu qaaday saldhiga.

Intaa kadib xubnaha gollaha wasiirrada ayaa u gudbay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne oo ay jiifaan qaar ka mid ah dadkii rayidka ahaa ee  ku dhaawacmay weerarka, iyaga oo mid mid isku dul-taagay dadka dhaawaca qaba, kana wareystay xaaladooda caafimaad dhaqaatiirta isbitaalka.

Markii ay soo dhameysteen booqashada bukuunka kadib ayeey ku wareejiyeen wafdiga agaasimaha guud ee isbitaalka Dr Axmed Max’ed Khaliif deeq dawo ah oo ay bixisay wasaarrada hormarinta adeega bulshada oo loogu talagalay in lagula tacaalo xaalada caafimaad ee bukaanka ku jira isbitaalka.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xubnaha gollaha wasiirrada ayaa kormeerkooda saldhiga iyo isbitaalka kadib u gudbay Baar HILLAAC ‘’Ex-Xassan Dhiif’’ oo ay diyaar ku ahaayeen mas’uuliyiintii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, odayaal dhaqameed, waxgarad iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka oo ay kulamo la qaateen wafdiga.

Nabaddoon Max’ed Sheekh Aadan oo ka mid ahaa waxgaradkii maanta ka hadllay kulanka ka dhacay Baar HILLAAC, ayaa si weyn ugu dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya in iska hilmaantay sida uu hadalka u dhigay gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in wax lala yaabo tahay mudo ka badan Labo sano in aan wax hormar ah laga sameyn dagaallka ka dhanka ah deegaannada kale ee gacanta ugu jira Al-shabaab, taasoo uu eedeeda dusha ka saaray dowladda dhexe.

“Waa wax lala yaabo in bil gudaheed magaalada Beledweyne lagu dillo ama ay ku dhintaan dad tiradoodu ay kor u sii dhaafeyso 58 qof, waxaad moodaa in arintaa ay ugu tallagashay dowladda oo raali ka aheyn in horay loogu sii socdo deegaannada kale ee laga soo abaabulayo weerarada Ismiidaaminta ah ee tirada  intaa la eg ku dhimanayaa, markii uu weerarka ka dhacayay saldhiga waxaa ku sugnaa ciidamadii hore ee booliiska Soomaaliyeed oo u badnaa rag odayaal ah oo aan wax hub ah heysan, taasoo muujineysa sida ay dowladda wax dan ah uga laheyn ciidamada, sidaa daraadeed waxaan Af buuxa ku leenahay oo aan marnaba qarineynin in dowladda federaalka Soomaaliya ay dayacday gobolka Hiiraan,’’ ayuu yiri nabadoon Max’ed Sheekh Aadan.

Dhanaka kale, wararka dadweynaha Baladweyne ay isla dhexmarayaan ayaa waxaa ka mid ah in dadka dambiyada galay aanay ciqaab adag la kulmin oo la arko ruuxii dambiilaha ahaa isagoo dhexmaraya gudaha magaalada, taasoo ay shacabku walaac ka muujiyeen.

Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed oo hadllay ayaa sheegay in ay qaadanayaan dhamaan wixii dhaliil ah oo ay u sii jeediyaan waxgaradka gobolka Hiiraan, laakiin waxaa uu meesha ka saaray eedeynta ah in dowladda federaalka idhaha ka qabsatay wax ka dhacaya gobolka.

“Sida uu nabadoonka sheegay runtii waa wax aad looga naxo in mudo Bil gudaheed ah la dillo tiro dad ah oo intaa la eg, laakiin  dhibaatada kooxda Al-shabaab, waxaan oran karnaa meel kasta ayeey ka jirtaa ma’aha gobolka Hiiraan oo kaliya, dowladdana mar kasta si dhaw ayeey ula soctaa xaalada gobolka, waana ka xanuusaneynaa dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo maray oo ay geysteen kooxaha nabad-diidka [Al-shabaab] ayuu yiri wasiirka.

C/kariin Xusseen Guulleed waxaa uu sheegay in magaalada Beledweyne marka laga soo  tago qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay aheyd magaalo nabadoon, dhinaca nabad-galyada marka la eego ka wanaagsan gobollada kale ee dalka, isaga oo intaa ku darray in dowladda federaalka, maamulka gobollka, iyo saraakiisha ciidamada wadaan qorshe lagu xoreynayo gobolka intiisa kale.

“Gobollka Hiiraan waa gobol taariikh leh oo ay ka soo baxeen shaqsiyaad tusaale u ahaa bulshada Soomaalida inteeda kale, waa gobol runtii mar kasta dowladda ay maanka ku heyso, sidaa daraadeed sida ugu dhaqsiyaha badan ayeey dowladda talaabo u qaadi doonta si aysan u soo noqon mar danbe wax yaabihii horey u dhacay oo kale.

Dhinaca doorashada maamulka mar uu soo hadal qaaday waxaa uu sheegay in marnaba falalkan dhacaya waxba u dhimi doonin qorshihii doorashada maamulka gobolka Hiiraan oo marka laga soo tago wadatasho hoose oo socda la oran karo meel wanaagsan ayeey wax marayaan.

Sidoo kale, waxaa isna goobta ka hadllay wasiirrka wasaarrada Kheyraadka dalka C/risaaq Cumar Max’ed oo sheegay in sababta ay gobolka u soo gaareen maanta tahay tacsi ay ka sideen sida uu hadalka u dhigay madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in eedeymaha ka yimid odayaasha dhaqanka ay si gaar ah u taabatay, isaga oo sheegay ay qaadanayaan wixii mas’uuliyad ah oo ku aadan eedeymaha uga yimid odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

“Waxaan rabaa in aan si gaar ah ugu tacsiyeeyo ciidamada booliiska oo dhibaatada xoogeeda ay saameysay, runtii waa sax in ciidamo halkan laga qaaday oo Muqdisho tababar loo geeyo wax kale ma’aha ujeedadu waxaa ay aheyd in tayadooda sare loo qaado, sida ugu dhaqsiyaha badanna waa ay u soo laaban doonaan,’’ ayuu yiri wasiir Kheyraadka dalka.

Wasiirrka ayaa ugu danbeyntii odayaasha ugu baaqay in ay qaataan doorkooda la xiriir dhismaha maamul ay bulshada soo doortaan, madaama hadda la guda-gallay qorshaha dhismaha maamul hab doorasho ku yimaada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo ayaa uga mahad celiyay wafdiga booqashada ay ku soo gaareen magaalada Beledweyne, isaga oo sheegay in ay ka maamul ahaan ka guddoomeen tacsida ay ka sideen madaxda ugu sareysa dowladda ee ku aadan khasaarihii ka dhashay weerarkii Ismiidaaminta ee saldhiga booliiska Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya