4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Ciidamada Naafada Xoogga Dalka oo sheegay in Amar lagu siiyay inay kaga Guuraan Isbitaalka Martiini Muddo 10-Maalmood ah


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Ciidamada naafada xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in lagu wargeliyay in muddo 10-casho gudahood ah ay uga guuraan isbitaalka Martiini ee Muqdisho oo ay ku noolaayeen 22-kii sano ee ay dalka ka jireen colaadaha sokeeye.

Afhayeenka naafada xoogga dalka, Cabdi-Mahad Cali oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in dhawaahan ay u imaanayeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayna ka dalbanayeen in goobta ay ka guuraan.

“waayadanba waxaa nagu wareegayay dad waji Soomaaliyeed leh oo nagu lahaa isbitaalkan ka guuran. Shalay oo ay ugu dambeysay waxaa noo yimid abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo wakiil ka ah taliyaha ciidamada xoogga oo noo sheegay in muddo 10-maalmood ah aan meesha uga guurno. Waxaan niri caruurta sideen yeellaa waxaa nalagu yiri qabiilooyinkiina aada oo u geeyay, innaguna maba filayn in xiligan nala yiraahdo qabiillooyinkiinna aada,” ayuu yiri Cabdi Mahad.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay inay u maleynayaan kuwa hadalkan soo dhiibay inay yihiin kuwo gadaal ka taagan kuwa u sheegaya oo uu ku sheegay gemeyste aan jecelayn ciidamadii naafada xoogga ee dalkooda u naafoobay.

“Haddaba shacabka Soomaaliyeed oo aan dartood u naafownay waxaan ka codsanaynaa inay naga difaacaan ballaayada madow ee hadalkan ku tiri, maadamaa ay iyagu meesha ku hayeen, aysanna ahayn dad yaqaanna wax qabiil la yiraahdo. Haddii arrintan wax laga qaban waayo waxaan sameyn doonaa wax naga naxo taasna waa mid aan go’aansannay,” ayuu yiri mar kale yiri afhayeenka oo aan sheegin waxaas ay sameyn doonaan.

Dhanka kale, afhayeenka naafada xoogga ayaa weydiiyay ciidamada hadda shaqeynaya ee ciidamada xoogga dalka waxay sameyn doonaan haddii ay berri sidooda oo kale noqdaan, maadaama la doonayo in iyagoo naafo ah laga saaro hoygii ay ku noolaayeen.

Ma jirto hadal kasoo baxay taliska ciidamada xoogga dalka oo ay jawaab kaga bixinayaan hadalka kasoo yeeray ciidamada naafada xoogga dalka oo ku noolaa isbitaalka Martiini muddada fog.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli ciidamada naafada xoogga dalka ay horay ugu eedeeyeen dowladda Soomaailya inaysan siin xuquuqaadkii ay ku lahaayeen, waxaana hadalkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo kasoo baxa ciidamada naafada xoogga dalka oo ku naaftoobay dagaalladii Somalia iyo Itoobiya dhexmaray sannadkii 1977-kii.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya