4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2013
Nicholas Kay oo Magaalada Gaalkacyo Kula Kulmay Isimmo iyo Qaar ka mid ah Musharraxiinta Doorashada Puntland (SAWIRRO)


Jimco, November 22, 2013 (HOL) — Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa kala kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug madaxda dhaqanka iyo musharaxiinta u taagan hoggaanka Puntland ee ku sugan Gaalkacyo.

Kulamada iyo shirarka yaa ahaa kuwa looga hadlay arrimaha doorashada ka dhici doonta Puntland bisha Jannaayo ee sannadka soo socda ayaa waxay dhinacyadu doodo adag ka yeesheen doorashooyinka iyo sidii ay ugu dhici lahaayeen si nabadgalyo ah.

Danjire Kay ayaa wuxuu ugu horreyn la kulmay Issimada gobolka Mudug, waxaana shirka labada dhinac uu ka dhacay aqalka Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo ka mid ah isimada Puntland.

Sidoo kale, wuxuu shir la mid ah midkii uu Kay la qaatay Isimada uu mar kale la qaatay xubno ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Puntland oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira qabka loo wajahayo doorashada.

Intaa kaddib, Nicholas Kay  wuxuu shir jaraa’id oo uu qabtay kaga hadlay socdaalkiisii Gaalkacyo iyo wixii uga soo baxay shirarkii uu ku qaatay inta uu ku sugna magaaladaas.

"Gaalkacyo waxaan ku imid safarkeygii ugu horreeyay,s idoo kale safarkan wuxuu ka dhigayaa markii saddexad oo aan Puntland imaado,s ababta an u imidna waxaa weeye doorashada dhacaysa, waxaana u imid oo kale inaan dhageysto dadka ay qusayso doorashada ee ah madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole, musharraxinta iyo odayaasha dhaqanka, waxaana ka maqlay dhammaantood horumarka ay doorashadu sameeysay," ayuu yiri Kay.

Sidoo kale, danjiraha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in kulamadii dhacay oo dhan la isku afgartay, wuxuuna inay rajeynayaan in doorashada nagu soo fool leh ay ku dhacdo si nabadgalyo ah, halkaasna ay ka baxday walaac ay dadku qabaan.

Nicholas Kay wuxuu muhiim ku sheegay magacaabista guddiga khilaafadka iyo baarlamaanka isagoo xusay in la doonayo inay noqdaan kuwo wax saxa maadamaa sida uu sheegay la joogo xilligii guddiyadaasi lasoo magacaabi lahaa.

Ugu dambeyn, wuxuu ka hadlay ammaanka isagoo tilmaamay in amniga ay mas’uuliyaddiisa saran tahay xukuumadda hadda shaqeynaysa, inkastoo uu caddeeyay in xilligan amnigu uu wanaagsan yahay, xulidda baarlamaankana ay meel wanaagsan marayso, balse loo baaha yahay in lagu daro xubnaha haween.

Si kastaba ha ahaatee, danjire Kay ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, isagoo uga sii gudbi doona magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.






Hiiraan Online, Gaalkacyo