4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Booliiska Magaalada Muqdisho oo Maanta Xabsiga dhigay gabar sheegtay in la Fara-xumeeyay iyo Wariyihii Waraystay

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Booliiska Muqdisho ayaa maanta xabsiga dhigay gabar Soomaaliyeed oo sheegtay inuu kufsaday mid ka mid ah wariyayaasha u shaqeeya warbaahinta dowladda, isla markaana lagu ciyaaray mustaqbalkeedii gabarnimo.

Gabadhan oo 19 sano jir ah sida ay Al-jazeera soo xigatay ayaa waraysi laga qaaday waxaa Youtub-ka ku faafiyay wariye lagu magacaabo, Maxamed Bashiir Xaashi, taasoo markii dambe keentay in ciidammo ka tirsan booliiska ay xabsiga u taxaabaan labadooda.

Waxaa kaloo isagana xabsiga la dhigay milkiilaha idaacadda Shabelle ee Muqdisho C/maalik Yuusuf, balse markii dambe xabsiga laga sii daayay kaddib markii ay soo food saartay xaalad aad u adag oo la xiriirta xagga caafimaadkiisa.

Mas’uul u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in labada ruux ee la xiray ay su’aalo weydiinayaan booliska Muqdisho, isla markaana loo haysto inay ka been buurteen wariye u shaqeeya idaacadda dowladda.

“Gabadha iyo wariyaha la xiray waxay maalmaha soo socda la soo taagayaa maxkamad,“ ayuu yiri afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow) oo la hadlayay telefishinka Al-jazeera, isagoo intaa raaciyay in dowladda Somalia ay cadaadis kala kulmi karto arrintan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa horay albaabbada isugu dhuftay oo idaacadda Shabelle oo ka mid ahayd warbaahinnada ka howlgala Muqdisho, taasoo ilaa hadda hawada ka maqan.

Ugu dambeyn, bishii Febraayo ee sannadkan 2013-ka ayay ahayd markii ay maxkamadda gobolka Banaadir xukun ku riday haweeney sheegtay inay ku kufsadeen xero ay ku jirtay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda iyo weliba wariyihii wareystay, inkastoo markii dambe ay maxkamadda ay labadoodaba dib u sii daysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya