4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Howl-gallo Ballaaran kawada Guud ahaa Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Ciidammo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan kuwa maamulka gobollka Hiiraan ayaa howlgal ballaaran ka bilaabay magaalada Beledweyne oo Talaadadii aynu soo dhaafnay uu ka dhacay weerar Ismiidaamin ah oo mas’uuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

Ciidamada howlgalka ka qeyb-qaadanaya oo siweyn u foojigan ayaa lagu arkayaan dhamaan is-goosyada iyo iyo bartamaha magaalada iyaga oo qabanaya cid kasta oo ay ka shakiyaan kuwaa oo qaarkoodna ay su’aalo weydiinayaan, halka kuwa kalana loo sii kaxeynayo ama loo gudbinayo xarumo gaar ah oo dadka lagu kala saarayo.

Sarkaal u hadllay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalkii saacadihii ugu danbeeyay ay laga sameeyay magaalada lagu soo qab qabtay boqolaal ruux oo qaarkood sida uu sheegay looga shakisan yahay falal amaan darro.

“Dadka la soo xirray baaritaan ayaa lagu sameynayaa cid kasta oo aan dib laheyn sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa xorriyadiisa dib loogu soo celinayaa, qofkii danbi lagu hellana sharciga ayaa lala tiigsan doonaa,'' ayuu yiri sarkaalka u hadllay ciidamada.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo maalintii shalay kormeeray saldhigyada ciidamada ayaa kala hadllay saraakiisha iyo ciidamada nabad-galyada in siweyn loo adkeeyo ammniga simarkaa looga foojignaado falal nabad-galyada ka dhan ah.

Howlgalka soconaya wax saameyn ah kuma yeellan ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha magaalada, hasse ahaatee meel kasta waxaa lagu arkayaan ciidamada oo si gaar ah isha ugu haya dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gadiidka.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Taladadii aynu soo dhaafnay ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku naf waayay dad kor u sii dhaafaya 20 ruux oo isugu jiray ciidamada maamulka, dad shacab ah iyo waliba kooxihii weerarka ku qaaday saldhiga booliiska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya