4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Shan Qof oo Maanta ku Geeriyooday shil Gaari oo ka dhacay Waddada isku xirta Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Illaa shan qof ayaa ku geeriyooday, lix kalana way ku dhaawacmeen shilal baabuur oo maanta ka dhacay wadadda u dhexeysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay isku dhaceen.

Shilkan labadda gaadhi ee isku dhacay ayaa ka dhacay  meel u dhow Tuuladda Lafa ruug iyo Xamaas, waxaana la sheegay inay labadan gaadhi kala ahaayeen baabuur loo yaqaan Surf-ta iyo gaadhi land cruiser, kuwaas oo midna ka yimid Berber ka kalana Hargeysa ka tagay, waxaana dhaawacii la geeyey cisbitaalka Berbera ee gobolka Saaxil.

Sidoo kale, shil isna khasaare weyn geystay ayaa laba cisho ka hor ka dhacay galbeedka magaaladda Hargeysa, gaar ahaan wadadda isku xidha Hargeysa iyo Gabiley kaas oo ay ku dhinteen shan qof, halka toddoba kalana ku geeriyoodeen, waxaana ka mid ahaa dadkaasi geeriyooday madaxda sare ee shirkadda SOMCABLE oo Somaliland ka wadda mashruuc balaadhan oo xaga Internetka ah.

Shilalka gaadiidka ayaa si weyn ugu soo badanaya Somaliland, isla markaana keenna khasaare aad u badan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland