4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo Booqadiisii ugu Horreysay ku tagay Magaalada Gaalkacyo

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Waxaa goor-dhow soo gaaray xarunta gobolka Mudug ee Gaalkacyo ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay, isagoo ka yimid magaalada Garoowe ee xarunta Puntland; halkaaso uu kulammo kula soo qaatay madaxda Puntland iyo isimada ku sugan magaaladaas.

Socadaalka uu Gaalkacyo ku yimid Kay ayaa ah kii ugu horreeyay oo uu ku yimaado Gaalkacyo tan iyo markii la magacaabay ergeyga, iyadoo garoonka diyaaradda C/llaahi Yuusuf ay kusoo dhaweeyeen xubno kala gadisan oo uu maamulka gobolka ka mid yahay.

Sida la sheegay Nicholas Kay wuxuu Gaalkacyo kulama kula yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin isimad, musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo Puntland iyo qeybaha bulshada, isagoo kala hadli doona dhamantood marxaladda xilligaan kusoo fool leh Puntland ee la wajahayo doorashada.

Ugu horreyn wuxuu la shiri doonaa siyaasinta xubnahooda xilligan u taagan tartanka doorashada Puntland, isagoo marka xigtana la kulmi doona isimada Puntland qaybtooda jooga Gaalkacyo ayuu la shiraya halka ugu dambeynna uu la kulmi doono bulshada rayidka ah ee Gaalkacyo, waxana dhamaantood ay isla soo qaadi doonan arrimaha doorashada iyo sidii xubin kasta ay ugu qayb-qaadan lahayd doorka uga aaddan sidii ay si nabad ah ugu dhici lahayd doorashada Puntland.

Imaatinka Kay ayaa kusoo beegantay xilli dhawaan musharxiinta Puntland ee jooga magaalada Gaalkacyo ay kulan la qaateen ergayga UNSOM ee Puntland.

Socdaalka  Kay ee uu ku yimid Puntland ayaa lagu sheegay inuu qaadan doonno saddex maalmood, waxana safarkiisa uu noqonaya kiisii saddexad ee uu ku yimaado deegaannada Puntland.

Hiiraan Online, Gaalkacyo