4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya oo sheegay in Ciidamadii ku Dagaallamay Shabeellada Hoose ay ahaayeen Milateriga

Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka Soomaaliya, C/llaahi Abyan Nuur oo hoggaaminayay wafdi heer wasiir ah oo xukuumadda Soomaaliya ay u dirta xal u helidda colaado dib uga soo curtay gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in ciidamadii dagaalamay ay ka mid ahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Abyan ayaa sheegay in labadii ciidan ee dagaalamay ay mid walba geeyeen saldhiggii ku sugnaa dagaalka ka hor ayna xogo badan kasoo ururiyeen si ay baaritaanno ugu sameeyaan cidda gefka iska leh.

“Waxaan ku guuleysannay inaan ciidamadii kala geyno barihii ay horay ugu kala sugnaayeen, waxaana qorsheynaynaa inaan xogo aan soo ururinnay ka soo saarno warbixinno ku aaddan cidda iska leh mas’uuliyadda dagaalkaas,” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda Soomaaliya.

Mudane C/llaahi Abyan ayaa wuxuu ahaa hoggaamiyaha wafdi wasiirro ah oo ay ka mid ahaayeen wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka gaashaandhigga, kuwasaoo shalay tagay deegaanka Lambar 50, isla shalayna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Deegaanka Lambar 50 ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda AMISOM balse ma jiro wax faragelin ah oo ay ku sameeyeen dagaalkii labada casho socday ee ciidamada dowladda Soomaaliya ku dhexmaray deegaanno ay ka mid tahay deegaanka ay ku sugan yihiin.

“Baaritaannada kaddib ayaan soo saari doonnaa warbixin dhameystiran oo ku aaddan cidda mas’uuliyadda dagaalkaas dusha saaranaysa, mana dhici doonaan wax isku dhacyo kale ah sida aan rajeynayno,” ayuu Abyan ku daray hadalkiisa.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa wuxuu xudun u noqday dagaallo dhowr jeer soo laabtay oo u dhexeeyay ciidamada milateriga Soomaaliya oo mar la sheegay inay shaar qabiil huwanaayeen, inkastoo xal laga gaaray arrintaas.

Maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku eedeeyay ciidamad xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeellada Hoose ay weerareen shacabkii ku nolaa deegaanka Lambar 50, inkastoo milateriga oo dhankooda hadlay ay sheegeen inay la dagaalameen koox xiriir la leh Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya