4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
Wadaaddo ama Culummo ka socda Dalka Uganda oo xalay gaaray Garoowe oo ah Xarunta Maamul Goboleedka Puntland


Khamiis, November 21, 2013 (HOL) —  Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa xalay gaaray culimmo ka timid dalka Uganda, waxana la sheegay imaatinkooda Garoowe uu la xiriiro deeq ay ugu talo-galeen dadkii ay saameeyeen roobabkii dhawaan Puntland ka da'ay.

Culummada ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Garoowe mas’uuiyiin ka socday guddiga culummada Puntland u qaabilsan arrimaha gurmadka. Wafdigaan culumamda ah waxaa hor-socaday Sheekh Maxamed Cabdicasiis Ducaale iyo Sheekh Maxamed C/wali C/llaahi, waxayna sheegen inay sidaan deeq ay ugu talo-galeen in ay wax loogu qabto dadkii ay saameeynta xooggan ku reebtay duufaantii ka dhacday Puntland.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo inta dheer oo laga bixiyay culummadii xalay gaartay magaalada Garoowe, sidoo kale lama sheegin cadadka deeqda ah ee ay wadaan culummadan, waxaana lagu wadaa in maanta ay ka hadli doonan ujeedkooda imaatinka Garoowe iyo inta ay la egtahay deeqda ay ugu talo-galeen shacabka waxyeelladu soo gaartay.

Isla xalay ayaa culummadan waxaa Garoowe loogu sameeyay casho sharaf lagu soo dhaweenayay, waxaana xubnihii soo dhaweynata culumada ka qayb-galay ka mid ahaa, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo Sheekh C/qani Maxamed Qorane oo ka mid ah guddiga culummada Puntland u qaabilsan arrimaha gurmadka.

Isku soo wada-duboo, imaatinta culumadan waxay kusoo aadaysa xilli ay socdaan dadaallo lugu doonayo in wax loogu qabto dadkii ay saamaynta ku yeelatay duufaantii (Cyclone 03A) ee toddobaad ka hor ku dhufatay qaar ka mid ah deegaannada ku teedsan badweynta Hinidiya.

Hiiraan Online, Gaalkacyo