4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2013
MADAXWEYNE GEELLE: “Al-shabaab Waxay ku Jirtaa Maalmihii Nolosheeda ugu dambeysay, Wayna dhiman doonaan”


Khamiis, November 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Al-shabaab ay marayaan maalmihii ugu dambbeysay ee noloshooda ayna dhawaan dhiman doonaan, waxaana uu hadalkan sheegay mar uu ka hadlayay weerar askari Jabuutiyaan ah uu ku dhintay dhowr kelna ay kalena ay ku dhaawacmeen oo maalin ka hor ka dhacay magaalada Baladweyne.

Geelle ayaa sheegay in weerarkii Al-shabaab ku qaadday saldhigga ku yaalla Baladweyne uu ahaa mid aad looga naxo, balse aysan iyaguna ka macaashin oo midkoodna uu ka bixin kooxihii weeraray saldhiggaas.

“Al-shabaab waxay maraysaa ayaamihii ugu dambeeyay noloshooda, wayna dhimanayaan xilli aan dheereyn. Weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ay ku suganayeen ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya wuxuu ahaa mid aad looga naxo,” ayuu yiri Geelle oo dib ugu laabtay Jabuuti kaddib shir uu kaga qaybgalay dalka Kuwait.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa hadalkiisa ku daray in ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay sii joogi doonaan halkaas oo aysan uga baxayn in qarax lagu weeraro iyo in kale, isagoo xusay in geesiyaasha Jabuuti ay ka go’an tahay inay caawiyaan walaalahood Soomaaliyeed.

“Ciidamada Jabuuti waxay halkaas u joogaan sidii ay u caawin lahaayeen walalaahooda Jabuuti, kamana laabanayaan go’aankooda, askarigii nagaga dhintay halkaasna waxaan Alle uga baryayaa Janno, kuwa dhaawaca ahna caafimaad dhaqso ah,” ayuu Geelle hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti wuxuu cambaareyn adag dusha kaga tuuray Al-shabaab oo uu sheegay inay caadeysteen inay dhiigga dadka aan waxba galbasan iyo kuwa Soomaaliya caawinaya ay daadiyaan mar walba oo ay weerar qaadayaan.

Ugu dambeyn, Geelle wuxuu kula dardaarmay ciidamada Jabuuti ee Somalia ku sugan inay howshooda laba jibaaraan ayna ka hortagaan kuwa doonaya inay dadka Soomaailyeed dhibaateeyaan, isagoo ciidamadiisa ku tilmaamay kuwo geesiyaal ah.

Askariga looga dilay dowladda Jabuuti weerarkii dorraad ka dhacay degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa noqonaya kii labaad oo kaga dhinta Soomaaliya tan iyo markii ay howlgalkooda ka billaabeen Soomaaliya sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya