4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
DAAWO MUUQAALLADA: Deegaannadii ay saameynta ku yeelatay duufaantii Puntland ku dhufatay iyo Gurmadkii oo Weli Socda
Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Weli waxaa socda dadaal xooggan oo gurmad loogu fidinayo dadkii ay saamaysay duufaantii (Cyclone 03A) ee todobaadkii hore ku dhufatay gobollada Badda Hinidiya ku dherersan ee Puntland.

In ka badan 50 gaari oo nooca xamuulka qaada ah, islamarkaana sida gargaar isugu jira cunto, dhar, maacuun iyo bacaha roobka celiya ayaa gaarey deegaano badan oo ku yaal inta u dhexeysa degmooyinka Dangorayo iyo Eyl, halkaas oo ah meesha ay duufaantu khasaaraha ugu badan ka geysatey.

Ku dhowaad 500 oo qoys oo xoolo dhaqato ahaa, heseyeeshee ku xoolo beelay roobabkii qabowga watey ee muddada dhowrka maalmood ah da'ayey ayaa laysugu keenay 11 goobood oo dowladda Puntland ay si kumeel gaar ah u dejisey.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya