4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Nicholas Key oo Gaaray Xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe (SAWIRRO)
Arbaco, November 20, 2013 (HOL) —Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta soo gaarey wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu horkacayey  wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.
 
Key iyo wafdigiisa oo ay garoonka si diirran ugu soo dhoweeyeen mas'uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada ee Puntland, ayaa kulan muddo saacad ka badan qaatay waxay xarunta madaxtooyada kula yeesheen madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
 
Labada mas'uul [ Madaxweyne Faroole iyo Nicholas Key] oo markii uu kulankaasi soo gaba gaboobey si wadajir ah warfidyeenka ula hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobaddii ugu muhiimsanaa ee ay kulankooda iskula soo qaadeen.
 
Madaxweyne Faroole oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay in arrinta ugu muhiimsan ee labada dhinac ay isla soo qaadeeni ay ahayd sidii gurmad loogu fidin lahaa dadkii ay saamaysay duufaantii todobaadkii hore ku dhufatay gobollada bariga xiga ee Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay, in arrimaha laga wadahadlay ay kamid ahaayeen: khilaafka soo kala dhex galay madaxda sare ee dowladda federaalka, doorashada soo socota ee Puntland, ammaanka iyo kaalinta ay haweenku ku yeelanayaan baarlamaanka cusub ee ay xilligan xulistiisu socoto.
 
Nicholas Key oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay qayb weyn ka qaadan doonto sidii loo gargaari lahaa dadka ay duufaantu cayraysay oo u badnaa dad xoolo dhaqato ah, wuxuuna baaq u diray beesha caalamka si ay uga qayb qaataan gurmadka socda.
 
Isagoo ka hadlayey doorashada soo socota ee Puntland iyo kaalinta ay haweenku ku yeelan doonaan baarlamaanka cusub, wuxuu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in doorashadaasi ay noqoto mid ku dhacda si hufan iyo jewi nabad ah, isagoo dhinaca kale xusay in ay lagama maarmaan tahay in haweenka Puntland ay qayb ka noqdaan golaha wakiillada ee cusub.
 
Waa booqashadii saddexaad ee Nicholas Key uu ku yimaado Puntland laga soo bilaabo markii uu xilkaas qabtay, waxayna booqashadiisu ku soo aadeysaa maalin kaddib markii uu Garoowe soo gaarey u-qaybsanaha Qaramada Midoobey ee gargaarka  bini aadamnimo ee Soomaaliya Philippe Lazzarini.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya