4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia oo Isbitaalka AMISOM ku Booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku booqday isbitaal AMISOM ee Muqdisho dhaawacyadii dadkii ku waxyeelloobay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadday saldhigga degmada Beledweyne, kuwaasoo isla shalay lasoo gaarsiiyay Muqdisho si ay u helaan daweyn deg-deg ah.

Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 ruux una badan dad rayid ah ayuu ra’iisul wasaaruhu ku booqday qolalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyay gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dowladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo xusay inay kooxahan marayaan marxaladihii ugu dambeeyay ee dhamaadkooda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Saacid ayaa booqday xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar-sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay booqashadiisan xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Saacid ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaas ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aaddan maamulka ciidanka. Isagoo hadal uu jeediyay ku yiri: “Mudnaanta dowladda waa amniga iyo sidii dalka loo xasilin lahaa. Xukuumadda waxaa ka go’an xoojinta tababbarrada ciidamada, kor u qaadidda adeegga caafimaadka ciidanka, qalabeynta iyo in mushaaraadkooda ay helaan.”

Weeararkii Baladweyne ee shalay ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 20-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro fara badan, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen ciidammo iyo shacab ku sugnaa saldhiggaas, iyadoo mas'uuliyadda weerarkan ay sheegatay Al-shabaab.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya