Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Somalia oo Isbitaalka AMISOM ku Booqday dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Beledweyne (SAWIRRO)


Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku booqday isbitaal AMISOM ee Muqdisho dhaawacyadii dadkii ku waxyeelloobay weerarkii shalay Al-shabaab ay ku qaadday saldhigga degmada Beledweyne, kuwaasoo isla shalay lasoo gaarsiiyay Muqdisho si ay u helaan daweyn deg-deg ah.

Dhaawacyadan oo ay tiradoodu gaareyso 13 ruux una badan dad rayid ah ayuu ra’iisul wasaaruhu ku booqday qolalkooda, wuxuuna Alle uga baryay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyay gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dowladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo xusay inay kooxahan marayaan marxaladihii ugu dambeeyay ee dhamaadkooda.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Saacid ayaa booqday xarunta wasaaradda gaashaandhigga, halkaasoo uu kula kulmay saraakiisha sar-sare ee ciidanka xooga dalka, waxaana ku wehlinayay booqashadiisan xubno ka tirsan golaha wasiirrada.

Saacid ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xafiisyada wasaaradda oo ay xilligaas ka soconayeen howlo baaxad leh oo ku aaddan maamulka ciidanka. Isagoo hadal uu jeediyay ku yiri: “Mudnaanta dowladda waa amniga iyo sidii dalka loo xasilin lahaa. Xukuumadda waxaa ka go’an xoojinta tababbarrada ciidamada, kor u qaadidda adeegga caafimaadka ciidanka, qalabeynta iyo in mushaaraadkooda ay helaan.”

Weeararkii Baladweyne ee shalay ayaa waxaa ku dhintay dad ku dhow 20-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro fara badan, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jireen ciidammo iyo shacab ku sugnaa saldhiggaas, iyadoo mas'uuliyadda weerarkan ay sheegatay Al-shabaab.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay iskuulka Xamar Jab-Jab ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in Soomaaliya ay saxiixi doonto heshiiska caalamiga ee xaquuqda carruurta, maadaama ayy maanta ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee xaquuqda carruurta Adduunka oo aasaaskeedu uu ku beegnaa 20-kii November 1989kii markii Qaramada Midoobey ay u aqoonsatay maalinta Xaquuqda Carruurta Adduunka.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley madax ka socotay shirkaddii Sahaminta shidaalka ka waday Somaliland ee GENEL ENERGY.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo ay wehliyaan xubno ka tirsan maamulka iyo saraakiil ciidan, ayaa maanta socod ku soo maray xarumaha iyo waliba saldhigyada ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, kadib weerarkii Ismiidaminta ahaa ee maalintii shalay ka dhacay ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Weli waxaa socda dadaal xooggan oo gurmad loogu fidinayo dadkii ay saamaysay duufaantii (Cyclone 03A) ee todobaadkii hore ku dhufatay gobollada Badda Hinidiya ku dherersan ee Puntland.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) —Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta soo gaarey wafdi ka socda Qaramada Midoobey oo uu horkacayey wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Key.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in uusan jaajuus ahayn nin wadankaasi u dhashay oo maalmo ka hor maamulka Puntland ay xireen ,isla markaana lagu eedeeyay in uu gacmaha kula jiray arimo jaajuusnimo.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Ban Ki-moon ayaa cambaareeyay weeraradii lagu qaaday magaalada Beledweyne isagoo sheegay in weeraradaas argagixisadu ay qaaday ay sababeen dhibaato ballaaran.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines ayaa lagu wadaa inay toddobaadyada soo socda dib u billowdo howlaheedii duulimaadyada kaddib 23-sano oo aysan shaqeyn, sida lagu sheegay barta Skyliner Aviation.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in laba wasiir ay saaka u dirayso degmada Baladweyne si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan weerarkii shalay ka dhacay oo dad badan ay ku dhinteen.

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in hal askari oo ka mid ah ciidamadeeda ka tirsan AMISOM uu ku dhintay weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Somali News

11/20/2013 8:04 PM EST
Woman who says she was raped is held along with journalist who interviewed her, according to a government official.

11/20/2013 8:03 PM EST
Nairobi — "I am a Muslim who believes in the sanctity of human life, and had nothing to do with the murderous attack on the Westgate Mall whatsoever," said Adan Mohamed Abidkadir Adan during a bail application.

11/20/2013 8:01 PM EST
Nov. 20 (Bloomberg) -- Sahro Ali did something this month that she hadn’t dreamed possible for years: she and two female friends went to a soccer match between Banadir Sports Club and Elman FC in the Somali capital.

11/20/2013 7:57 PM EST
Al-Shabaab first mounted a campaign in Barawe in October to scare residents off from using smartphones, warning them that the hi-tech gadgets are tools used "to spy on Muslim people".Then the group banned Barawe residents from watching television, saying it compromises their faith.

11/20/2013 10:05 AM EST
Miraa is set to become available in juice form and distributed in restaurants across the country for consumers who would fancy to drink it as opposed to chewing.

11/20/2013 4:33 AM EST
Heavy rains trailing a cyclone, which battered Somalia's Puntland region and left as many as 300 people dead, have also flooded parts of the Somaliland region and done much damage to the port city of Berbera.

11/20/2013 4:29 AM EST
Nairobi, Kenya 16 November 2013: More than 100 people are confirmed dead and many more are missing following a tropical cyclone that hit Puntland region in Somalia.

11/20/2013 4:26 AM EST
Kenya and other regional countries have been given a renewed mandate for prosecution and prevention of piracy off the coast of Somalia.

11/20/2013 4:25 AM EST
Qatar yesterday launched a drive to raise aid for victims of Typhoon Haiyan in the Philippines and people affected by floods in Somalia, by observing Solidarity Day.

11/20/2013 4:20 AM EST
President Uhuru Kenyatta has asked Arab nations to support Kenya with the knowledge and technology towards a cost-effective exploration and extraction of the country’s resources.

11/20/2013 4:17 AM EST
All four gunmen who attacked Kenya's Westgate mall trained in Somalia before crossing into Kenya four months before the September massacre in which they also died, a Western official said Tuesday.

11/20/2013 4:16 AM EST
Detectives who are pursuing White Widow Samantha Lewthwaite, a suspect in the Nairobi mall massacre, said they are searching for her in Somalia.

11/20/2013 4:15 AM EST
Britain has received a cold reception from Kenya to its proposal that President Uhuru Kenyatta and his deputy William Ruto attend their trials at The Hague through video links.

11/20/2013 4:09 AM EST
It will take at least two years before operations can resume at the Westgate Shopping Mall.

11/20/2013 4:05 AM EST
The Somalia Ministry of Defense on Sunday (November 17) distributed arms and equipment to 1000 Somali soldiers who had completed their training at the Jazeera military camp in Mogadishu. Somalia's Defense Minister, Haji Abdihakim Mahmoud Fiqi, and the Deputy Minister, General Ahmed Mohamed Arab, other officers, and AMISOM officials attended the event.

11/20/2013 3:30 AM EST
Somalian Islamist militant group al Shabaab claimed responsibility for a deadly attack on Tuesday on a police station north of the capital Mogadishu.

11/20/2013 3:24 AM EST
U.N.-backed African Union peacekeepers in Somalia, bolstered by more than 4,000 new soldiers, may return to the attack against al Qaeda-linked militants, according to a senior AU commander.

11/20/2013 3:21 AM EST
UN Secretary-General Ban Ki-moon on Tuesday strongly condemned the deadly attacks on a police station in Somalia, saying that these terrorist acts "have caused tremendous suffering."
Click here