4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines oo toddobaadyada soo socda billaabi doonto Duulimaadyadeedii 23-sano Kaddib

Boeing 737-400 [OM-SDA]
Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Shirkadda diyaaradaha Somali Airlines ayaa lagu wadaa inay toddobaadyada soo socda dib u billowdo howlaheedii duulimaadyada kaddib 23-sano oo aysan shaqeyn, sida lagu sheegay barta Skyliner Aviation.

Diyaaradaha ay howsha ku billaabaysho shirkadda oo ah laba diyaaradood oo waaweyn ayaa waxaa astaantii lagu aqoon jiray diyaaradda Soomaaliya lagu saaray magaalada Budapest ee xarunta dalka Hungary, iyadoo la filayo inay soo gaaraan toddobaadyada soo socda Muqdisho.

Noocyada diyaaradaha ay howlgelinayso shirkadda Somali Airlines ayaa kala ah: SAMair (9C, Bratislava) B737-400 iyo OM-SDA (msn 24438), iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo diyaarad ay Soomaaliya leeyahay 23-sano kaddib ay kasoo dagto garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Somali Airlines ayaan shaqeyn tan iyo markii uu dalku burburka galay 1991 oo laga joogo 23-sano, waxaana xilligaas howlgalayay saddex diyaaradood oo noocoodu ahaa B720Bs, B707-300s iyo A310-300s, kuwaasoo ku tegi jiray duulimaadyo dalalka gobolka iyo kuwa kale ee caalamka, sida bariga dhexe iyo Yurub.

Tallaabadan ayaa waxay soo celinaysaa howlihii shirkadda Somali Airlines ay u haysay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo haatan ay dalka ka shaqeeyaan diyaarado laga leeyahay dalal kala duwan oo caalamka, kuwaasoo u kireysan ganacsato Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya