4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Xukuumadda Somalia oo sheegtay inay Baladweyne u dirayso wasiirro si ay Qiimeyn ugu soo Sameeyaan Weerarradii ka dhacay

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa sheegtay in laba wasiir ay saaka u dirayso degmada Baladweyne si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan weerarkii shalay ka dhacay oo dad badan ay ku dhinteen.

Kulan deg-deg ah oo ay xalay yeesheen golaha wasiirrada Somalia ayaa lagu cambaareeyay weerarkii Baladweyne, iyadoo goluhu ay isku raaceen in laba ka mid ah golaha wasiirrada loo diiro Baladweyne si ay u soo sameeyaan qiimeyn.

Wasiirrada loo diray Baladweyne ayaa kala yihiin wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo Abuukar Sheekh Cali oo ah wasiir ku xigeen ka tirsan golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Labadan wasiir ayaa waxay booqan doonaan isla maanta goobtii uu qaraxu ka dhacay shalay, iyagoo sidoo kalena tegi doona isbitaallada Baladweyne ku yaalla ee ay yaallaan dadkii ku dhaawacmay weerarradii shalay dhacay.

Xukuumadda Soomaailya ayaa sheegtay inay dadkii ku dhaawacmay shalay Baladweyne ay kuwooda daran u soo qaadi doonto magaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

Dhanka kale, golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa isku raacay xalay in saddex wasiir oo ka tirsan xukuumadda loo diro si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan dagaalladii dhawaan ka dhacay deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

“Golaha wasiiraddu waxay isku raaceen in gobolka Shabeellada Hoose loo diro saddex wasiir oo xukuumadda ka tirsan, si ay baaritaanno ugu soo sameeyaan dagaalladii maalmahan ka dhacayay deegaanno gobolkaas ka tirsan,” sidaa waxaa yiri afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in wasiirrada loo dirayo Shabeellada Hoose ay kala yihiin wasiirka cadaaladda, C/llaahi Abyan Nuur, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka difaaca, C/xakiin Maxmuud Xaaji Fiqi, iyadoo wafdigaan uu hoggaaminayo wasiirka cadaaladda iyo garsoorka.

Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya wuxuu sheegay inay golaha wasiirradu isku dhaaceen sidoo kale in wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka iyo wasiirka gaashaandhigga ay safarkoodan kaddib safar ku tagaan gobolka Shabeellada Dhexe si ay u soo qiimeeyaan xaaladaha ka jira halkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya