4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2013
Dowladda Jabuuti oo sheegtay in hal askari uu kaga dhintay Weerarkii ay Al-shabaab ka Geysatay Magaalada Baladweyne

Arbaco, November 20, 2013 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in hal askari oo ka mid ah ciidamadeeda ka tirsan AMISOM uu ku dhintay weerarkii shalay ay Al-shabaab ku qaaday saldhigga booliiska magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Taliyaha guud ee ciidamada Jabuuti ayaa u sheegay warbaahinta dalkaas in askarigan uu noqonayo kii labaad oo kaga geeriyooda Somalia, gaar ahaan gobolka Hiiraan oo ay ka howlgalaan. Balse wargeys kasoo baxa Mareykanka ayaa sheegaya in afar askari oo Jabuutiyaan ah ay ku dhinteen weerarkii ay Al-shabaab ku qaaday Baladweyne.

Sidoo kale, taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in saldhigga weerarka lagu qaaday ay ciidamada Jabuuti tababar ku siin jireen ciidamada booliiska dowladda Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo ku sugan Kuwait oo uu kaga qaybgalayo shirka madaxda Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa isaguna ka hadlay weerarkaas isagoo sheegay inuusan waxba u dhimayn howsha nabadeed ee ay u joogaan Soomaaliya.

“Weerarku wuxuu ahaa mid fulaynimo ah, waxbana kama tari doono howsha aan u joogno Soomaaliya oo aan ku caawinayno walaalaheen,” ayuu hadal uu soo saaray ku yiri madaxweynaha Jabuuti.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hal guuto oo ciidankooda milateriga ka tirsan, waxaana ay ka howlgalaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne oo ah xarunta gobolkaas.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weeraradii isugu jiray qaraxyada iyo kuwa tooska ah ayaa wuxuu afhayeen u hadlay sheegay inay weerarkaas ku dileen askar fara badan oo isugu jira Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kooxda Al-shabaab ay weerarto degmada Baladweyne oo farahooda laga saaray dhammaadkii sannadkii 2011, halkaas oo uu ka taliyo maamul gacan-saar la leh dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya