4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Howlgal lagu sugayo Amniga Baladweyne oo Saacadihii aynu soo dhaafnay laga sameeyay Qaar ka mid ah Xaafadda Beledweyne



Sabti, November, 02, 2013 (HOL) – Howlgalka oo ay wada jir u fulinayaan ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay laga fuliyay qeybo ka mid ah xaafaddaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Gaar ahaan howlgalka ayaa xoogiisa waxaa lagu fuliyay xaafaddaha Buundo-weyn iyo Howl-wadaag, oo ay ciidamadu guri –guri u baarayeen, waxaana la sheegay in meelaha qaar howlgalka lagu soo qabtay hub iyo dad la tuhusan yahay.

Taliyaha ciidamada militariga maamulka gobolka Hiiraan Col Tawane Axmed Gureey oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in howlgalkan qeyb ka yahay qorshayaasha sida uu hadalka u dhigay la doonayo in lagu adkeeyo ammniga.

‘’Sida aad ka war qabtaan dhawaan waxaa magaalada ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen tiro dad rayid ah, wixii waqtigaa ka danbeeyay ciidamada heegan ayeey ku jiraan, howlgalka socda waxaa uu qeyb ka yahay qorshayaasha lagu sugayo ammniga, waxaana ku soo qab-qabanay dad la tuhusan yahay iyo hub, baaritaan ayaana ku socda,’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada maamulka.

Waxaa uu intaa ku darray in howlgalka socda laga fulin doono dhamaan xaafaddaha magaalada si loo xaqiijiyo nabad-galyada guud, isaga oo intaa raaciyay in dadka la soo qab qabtay cid kasta oo danbi lagu waayo xoriyadeeda dib loogu soo celin doono.

‘’Qof aan danbi laheyn cidna ma heysan karto, baaritaan ayaa lagu sameynayaa dadka la soo qab qabtay ciddii aan danbi-laheyn waa la sii deynayaa,’’ ayuu yiri Col Tawane.

Todobaad ka hor ayeey aheyd markii qarax xoogan oo ismiidaamin ah lala eegtay goob maqaaxi ah oo ku tiilay meel aan ka fogeyn xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaasi ku nafwaayay 19 ruux oo u badnaa dad rayid ah, halka ku dhawaan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya.