4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2013
Dagaal Beeleed ka dhacay Deegaanno ku yaalla Bariga Degmada Jowhar oo Sababay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac

Sabti, November 02, 2013 (HOL) — Ugu yaraan sideed ruux ayaa ku dhintay tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen kaddib dagaal beeleed shalay gellinkii dambe ka dhacay bariga degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe.

Dagaal beeleedkan ayaa daba socday dagaallo horay beelahan u dhexmaray, iyadoo la sheegay in deegaan lagu magacaabo Jilliyaale gabi ahaantiis la gubay, iyadoo dadkii ku noolaana ay isaga carareen.

“Sideed ruux ayaa lagu dilay dagaallada, tiro kalena waa lagu dhaawacay, dagaalkuna wuxuu ahaa mid daba socday dagaallo horay beelahan qaybo ka mid ah gobolka Shabeellada dhexe ugu dhexmaray,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool degmada Jowhar.

Xaaladda degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa xalay ahayd mid kacsan, iyadoo inta badan ganacsiga degmadaas la xiray, waxaana tani ay imaanaysaa xilli ay beelahan horay heshiis ugu gaareen degmada Jowhar.

Wararka saakay laga helay deegaannadii lagu dagalaamay ayaa sheegaya in xiisado colaadeed ay ka taagan yihiin, iyadoo maamulka gobolkana uu isku dayayo inuu joojiyo dagaal beeleedkan, khasaaraha badan geystay.

Dagaalka ayaa billowday kaddib markii kooxo hubeysan ay weerareen mid ka mid ah deegaannada ku yaalla bariga degmada Jowhar, halkaasna ay ku dhaawaceen afar qof oo saddex ka mid ah ay haween ahaayeen.

Beelahan ay dirirtu u dhexeysa ayaa isku haysta dhul beereed ku yaalla deegaannada ay ku dagaalamayaan, iyadoo dagaalkan uu sababay inay ka barakacaan deegaannadooda dad badan oo labadan beelood kasoo kala jeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya