4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Banaadir oo sheegtay in Boqollaal Ruux ay ka heleen Cudurka Halista ah ee HIV - AIDS-ka


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Haweeney u hadashay isbitaalka Banaadir ayaa maanta sheegay inay muddo labo sano gudahood ah ay cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka ay ka heleen 250-qof, kaddib baaritaanno ay ku sameeyeen kumannaan qof oo isbitaalka booqday.

Luul Maxamed Maxamuud oo ah madaxa caafimaadka ee isbitaalka banaadir u idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaligau warramaysay ayaa sheegtay in bishiiba ay ka baaraan 600-qof, kuwaasoo qaarkood ay cudurka ka helaan, kuwo kalena aysan ka helin.

“Dadka isbitaalka soo booqanaya aad ayay u kordheen tan iyo markii aan billownay howshan baaritaanka. Maalin walba waxaan baarnaa 20-qof oo isugu jira dhallinyaro iyo dad waaweyn, qofkii aan cudurka ka helnaha waan daweynayaa, wacyi-gelin ayaana u sameynaa,” ayay tiri Drs. Luul.

Sidoo kale, dhakhtaraddu waxay sheegtay in dadka cudurkan ay ka helaan ay u badan yihiin dad waaweyn, iyadoo xustay in dhallinyaradu ayaa u yar yihiin, iyadoo xustay in cudurkan uusan ahayn sidii hore oo hadda dawo loo helay, bukaannada ay ka helaanna ay siiyaan dawooyin.

“Runtii dadku markii hore cudurkan baqdin weyn ayay ka qabeen, laakiinse hadda waxay u muuqdaan kuwo kusoo dhiirranaya isbitaallada si ay isaga baaraan bal inay qabaan iyo in kale,” ayay Drs. Luul hadalkeeda ku dartay.

Dhakhtaradda ayaa intaas ku dartay inay jiraan hooyooyin ay cudurka ka heleen oo ay ka waayeen aabbayaasha qoyska, sidoo kalena ay jiraan rag ay ka heleen oo ay ka waayeen xaasaskooda.

“Markaan qofka ogaanno inuu cudurkan qaaday, waxaan siinnaa wacyi-gelin ku saabsan inuusan bulshada ku dhex-faarin, isagana uu qaato daawooyinka loogu talogalay inay xoojiyaan difaaca jirka, maadaama cudurkan uu yahay mid hoos u dhiga difaaca jirka qofka,” ayay mar kale tiri dhakhtaraddu.

Iyadoo ka hadlaysa siyaabaha lagu kala qaado ayay sheegtay inaysan ahayn galmada oo keliya, balse lagu kala qaadi karo qalab aan nadiif ahayn oo qof fiyow loo isticmaalo, waxayna ku boorriyay howlwadeennada caafimaadka in ay mar walba ku dadaalaan inay qalabkooda nadiifiyaan.

Ugu dambeyn, Drs. Luul Maxamed waxay sheegtay in dadka ay baaraan ay ku jiraan dad doonaya inay is-guursadaan, haddii qof ka mid ah laga helana ay ka joojiyaan guurka, ayna siiyaan wacyi-gelin ku saabsan sidii uu u qaadan lahaa dawooyinka cudurkan loogu talo-galay.

Drs. Luul waxay sheegtay in Soomaaliya uu kusoo kordhayo cudurkan ayna sababtu tahay dadka dalalka dariska ka imaanaya oo guursanaya ama fal la sameynaya qof aan cudurka qabin iyo dad kale oo dibadaha dalka ka yimid oo iyaguna cudurka qaba, sidaasna ku qaadsiiya dadka ka fiyow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya