4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
WARAN-CADDE: “Dowladda Soomaaliya Waxay dooonaysaa inay ka abuurto Somaliland Fawdo dhinaca Siyaasadda ah”

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey inay faro-galin ku hayso arrimaha Somaliland.

Wasiirka  oo shirjaraa’id ku qabtay xafiskiisa ayaa sheegay in khilaafka ka jira madaxda Soomaaliya ay sabab u tahay arrimaha Somaliland oo la isku hayo, isla markaana kharash badan ku bixinayaan khalkhalgalinta Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxay wadaa faydo siyaasadeed inay dalkan (Somaliland) laga abuuro, sida awgeed waxay ku talo jiraan in la abuuro in dad Somaliland khilaaf ka dhasho oo si macno daro ah loo duufsado dad inaga mid ah, isla markaana loo eekaysiiyo Soomaaliyadda khalkhalsan”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo eedeen culus dusha ka  saaray madaxda sarsare ee Soomaaliya.

Waxaanu intaas ku daray: “Waxaanu ognahay in Soomaaliya waxa halkaasi geeyey muran siyaasadeed iyo muran madaxtinimo, arrintana (Somaliland) lagu bixiyey hanti badan iyo tallo badan, waxaanay dalka ka abuurayaan iska hor keen dadka Somaliland iyo in deganaansho la’aan laga abuuro”

Sidoo kale, waxa uu Warancadde  si adag ula hadlay xisbiyad mucaaradka ee shirka Qaran qabanaya, waxaanu sheegay inay masuuliyad ka saaran tahay wax kasta oo khalkhal keenaya inay ka hor tagaan.

“Waxaan maqlayey dad ku dhowaaqayey ha la aqbalo ama yaan la aqbalin ee maalin heblayao ayaanu qabanaynaa shir weyne  qaran, arintaasi waxay ku koobnaantoodda  cida ka masuulka ah, dawladana iyada masuul ka ah inay cid kasta oo wax rabshaysa wax ka qabato darajo kasta oo uu leeyahay, dawladda Somaliland maaha mid cabudhinaysa siyaasiinteeda iyo shacabkeeda, mana maaha mid diidan inay tallo qaran la siiyo”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey shirka qaran ee ay qabanqaabinayaan xisbiyada mucaaradka.

Wasiir Warancadde waxa kale oo uu sheegay inay soo bandhigayaan xogo ay usoo gudbiyen sirdoonka Somaliland,isla markaana ay ku jiraan dad reer Somaliland oo ay adeegsanayaan xukuumada Soomaliya oo doonaya inay khalkhal ka abuuraan Somaliland.

Wasiirku ma caddeyn waxa uu yahay khalkhalgalinta iyo arrimaha uu ku eedeyanyo Soomaliya waxay tahay, haseyeehee eedan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee culus ee xukuumada Somaliland hawadda u mariso dawladda Soomaaliya.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland