4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Tirada Musharraxiinta u Tartamaya Hoggaanka Puntland oo sii Kordhaya iyo Musharax lagu soo Dhaweeyay Gaalkacyo (SAWIRRO)


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Waxaa sii kordheysa tirada murashaxiinta isku soo taagaya doorashada xilka madaxweynenimo ee maamulka Puntland iyadoo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo mid ka mid murashaxiinta isku soo taagay xilka kaasoo lagu magacaabo, Cabdiwali Maxamuud (Guray).

Soo dhaweynta musharraxan ayaa waxaa ka qayb-galay qaybaha kala duwan ee bulshada Gaalkacyo, kuwaasoo isugu dhafnaa nabaddoonno, odaayal, aqoon-yahanno, dhallinyaro, haween iyo qar ka mid ah ardayda wax ka barta iskuullada kala duwan ee ku yaalla Gaalkacyo.

Musharraxa oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradda C/laahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo ayaa ugu horreyn ka mahad-celiyay sida diirran ee loogu  soo dhaweeyay Gaalkacyo, isagoo sheegay in haddii xilka loo doorto uu wax ka bedeli doono Puntland.

"Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta imaado Gaalkacyo, waxaana sidoo kale i faraxad galinaysa soo dhaweynta la ii sameeyay. Runtii waxaan rajeynayaa inay ka dhacdo Puntland doorasho xor ah oo si xalaal ah inoogu qabsoonta, waxaana filaya inaysan waxba naga halaabin, anigana haddaan kusoo baxo doorashada waxaan ballan-qaadaya shacabka Puntland inaan ku dhaqo cadaalad iyo sinnaan," ayuu yiri musharrax C/weli Gurey.

Intaa kaddib murashaxa waxaa loo gudbiyay guddiga magaalada, waxaana inta uusan gaarin hoygiisa uu booqosho uga tagay Islaan Bashiir Islaan C/lle oo ka mid ah isimada Puntland, halkaasoo uu ku dhexmaray kulan isugu jiray salaan iyo kala xog qaadasho.

Si kastaba ha ahaatee, musharrax Cabdiwali Guray wuxuu ka mid yahay siyaasiyiinta sida weyn xilligan u doonaya inay ku guuleystaan hoggaanka Puntland, waxana lugu waddaa inuu la shiro inta uu Gaalkacyo ku sugan yahay odaaysha, ismada gobolka Mudug iyo qeybaha bulshada.






Hiiraan Online, Gaalkacyo