4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo soo Gaba-gabeeyay Wajigii Koowaad Mashruucyo Ceelal looga Qodayo Somalia (SAWIRRO)


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa maanta soo gaba-gabeeyay wajigii koowaad mashaariic ay ceelal kaga qodayeen Somalia, iyadoo munaasabadda xiritaanka wajiga koowaad ee mashuurcan lagu qabtay Muqdisho.

Munsaabadda ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah danjireyaal ku sugan Somalia, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hor-kacayay wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed iyo madaxda ururka Iskaashiga Islaamka iyo shirkaddii ceelal qodista sameysay.

Dr. Axmed Maxamed oo ah madaxa ururka OIC oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in wajiga koowaad ee mashruucan ay ku hirgeliyeen qodista 50-ceel biyood oo ay ka hirgeliyaan Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, isagoo sheegay inuu jiri doono waji labaad iyo mid saddexaad oo ay ku qodi doonaan 100 ceel oo kale, isagoo xusay in Saudi Arabia ay ku deeqday dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdan.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Dr. Rami Al Shamsi oo isna ka socday ururka iskaashiga Islaamka, isagoo sheegay in mashaariicdan ay yihiin kuwo lagu doonayo in dadka Soomaaliyeed ay ku helaan biyo nadiif ah oo ay cabi karaan.

“Waxaan ku boorrinayaa talinayaa inay shacabka Soomaaliyeed si weyn uga faa’iideystaan mashaariicdan oo ah kuwo wax-tar leh, waxaana uga mahad-celinayaa dowladda Sucuudiga oo dhaqaalaha ku baxaya mashaariicdan ku deeqday,” ayuu yiri Dr. Al-Shami.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku faraxsan yahay in caalamka oo dhan ay diyaar u yihiin xilligan inay is-garab-taagaan Soomaaliya, si ay uga baxdo dhibaatadii ay muddada dheer kusoo jirtay, isagoo intaas ku daray in xoghayaha guud ee OIC, Kamaaluddiin Ixsaan Oogle uu ballanqaaday inay shacabka iyo xukuumadda Soomaaliyeed garab-taagan yihiin mar walba.

Intaas kaddib waxaa hadalka qaadatay sarkaalad ka socday wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada oo sheegay inay uga mahad-celiyaan OIC iyo dowladda Sucuudiga mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo ku tilmaantay mashaariicdan kuwo faa’iido weyn ay ugu jirto Soomaalida.

Wasiirka wasaaradda khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed oo isna ka hadlay gabagabadii munaasabadda ayaa sheegay in mashaariicdan ay ku soo beegmeen xilli aad looga baahan yahay.

“Ururka OIC iyo dowladda Sucuudiga waxaan uga mahadcelinayaa howsha ay Soomaaliya ka hayaan, waxaana ka dalbanayaan mas’uuliyiinta inaan si wadajir ah uga shaqeynno 100 ceel la doonayo in Soomaaliya laga hir-geliyo si la iskula garto goobaha laga hirgelinayo iyo qalabka la isticmaalayo,” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka ayaa hadalkiisa ku sheegay in wasaaraddiisu ay aad uga fikirtay sidii shacabka Soomaaliyeed ay biyo ku heli lahayd markii ay la wareegtay xafiiska, wuxuuna sheegay in aqoon-yahanno Soomaaliyeed ay kusoo tababareen dalka Suudaan, kuwaasoo ay ugu talogaleen inay qayb ka qaataan helista biyo nadiif ah.

Ugu dambeyn, ururka iskaashiga Islaamka ayaa wuxuu hadiyado kala duwan guddoonsiiyay wasiirka khayraadka dalka iyo shirkaddii fulisay ceelal qodista oo lagu magacaabo Al-Raya. Iyadoo wafdigan ay munaasabadda kaddib la kulmeen ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya