4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA: “Shacabka reer Hiiraan waa inay hal meel uga soo Wada-jeestaan Cadowgooda”

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi u diray shacbiga ku dhaqan gobolka Hiiraan, isagoo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarkii argigixisanimo ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

“INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN, anigoo ku hadlaya magaca guddoonka baarlamaanka, magaca xildhibaannada golaha shacabka iyo kaygaba waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ehelladooda ku waayay weerarkii argigixisanimo ee maanta ka dhacay Baladweyne, kuwaas oo lagu laayey saldhiga booliiska Beledweyn iyagoo aan waxba galabsan. Dadkii ku dhintay halkaas waxaa dishay gacan ka gardaran Alle naxariistiisa janno ha siiyo, ehelladooda iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeenna samir iyo iimaan haka siiyo. Kuwii naftooda halkaasi ku haligay ee dadkaas salfadayna ciqaabtooda ALLE agtiisa ayay ku leeyihiin,” ayuu guddoomiyaha baarlamaanka ku yiri qoraal uu soo saaray isagoo ku sugan dalka Kuwait.

Jawaari ayaa sidoo kale Alle uga baryey dadkii weerarkaas ku dhaawacmay inuu siiyo caafimaad taam ah, si gaar ahna wuxuu u tilmaamay dhaawaca ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo kuwa walaalaha Jabuuti oo qayb ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM oo iyaguna ay ciidamadooda ku dhaawacmeen goobtaas.

“Shacabka reer Hiiraan waxaan ku boorinayaa inay hal meel uga soo wada-jeestaan cadawgooda, isla markaana looga baahan yahay inaysan falalka argigixisanimo ka hor istaagin howlahooda ama aysan niyad-jabin,” ayuu ku daray guddoomiyuhu hadalkiisa.

Weerarkii ismiidaaminta iyo tooska isugu jiray ee maanta Baladweyne ka dhacay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ka geysato degmadaas, iyadoo wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan inay ku dhinteen in ka badan 20-qof oo isugu jira shacab iyo askar.

Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa afhayeenkooda dhinaca howl-gallada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab wuxuu sheegay inay ku bartilmaameedsanayeen ciidammo isugu jiray Jabuutiyaan iyo Itoobiyaan ku sugnaa saldhigga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya