4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM oo ka Hadlay Weerarkii lagu Qaaday Saldhigga Booliiska Beledweyne

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay is-hortaag ku sameeyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaa in ay gudaha u gallaan saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

“Sida aad aragtaan gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayeey weerarka u adeegsadeen, Aar-gada hoosteeda ayaa isku qarxiyeen, waa saldhiga illinkiisa hore, qarxa kadib waxaa uu damacoodu ahaa in ay gudaha u gallaan saldhiga, laakiin taa waxaa iska hor taagay ciidamada maamulka ee  ku sugnaa saldhiga iyo kuwa Jabuuti, goobta ayaana lagu wada dillay,’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka.

Mar uu ka hadllayay khasaaraha la og-yahay ilaa iyo hadda soo gaaray ciidamada waxaa uu sheegay in khasaare uu jiro, laakiiin ilaa iyo hadda ay wadaan tirkoob, islamarkaana soo gubin doonaan marka ay tirkoobkooda uu u soo dhamaado,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

“Dabcan khasaare waa uu jiraa waayo meesha iska horimaad muddo socday ayaa ka dhacay, laakiin tirkoob iyo baaritaan ayaan socda, wixii natiijo ahna dib ayaan ka soo sheegid doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, wuxuu sheegay guddoomiyaha in weerarkan uu muujinayo sida ay Al-shabaab u sii tag-dareynayaa, isaga oo sheegay in ay markii ay ka war-heleen in lagu wajahan yahay deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan bilaabeen in ay isku qarxiyaan goobaha shacabku ku badan yahay waa sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha.

Taliyaha ciidamada Jabuuti Col Cismaan Dubad ayaa ku tilmaamay weerarkii maanta in uu ahaa sida uu hadalka  u dhigay mid naftiis halignimo ah, isaga oo meesha in ay jirto habacsanaan dhinaca nabad-galyada.

“Maya lama oran karo habacsanaa dhinaca nabad-galyada ah ayaa jirta, waayo haddii ay awood leeyihiin waa ay ku guuleysan lahaayeen hadafkooda, waad og-tihiin sida ay ciidamadu isaga difaaceen weerarka, umana suurtagalin in ay gudaha u soo gallaan saldhiga,’’ ayuu yiri Col Cismaan Dubad.

Weerarkii maanta ka dhacay Beledweyne ee lagu bar-tilmaameedsaday saldhiga booliiska ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee bilihii ugu danbeeyay ka dhaca magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya