4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an inay Kooxda Al-Shabaab ka Cirib-tirto dalka oo dhan”


Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii waxyeelladu ka gaartay qaraxii maanta ka dhacay saldhigga booliiska ee Beledweyne.

Ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa baaritaan arrintan ku saabsan kawada magaaladaas, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, si loo ogaado khasaaraha inta uu le’eg yahay.

 “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan inta waxyeelladu kasoo gaareen qaraxii maanta. Waxaa dhammaan shacabka ugu baaqayaa inaysan ka niyad-jabin oo aysan rumeysan argagaxa ay waddo Al-shabaab,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraalkisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Al-Shabaab bacdamaa dagaalka waji-ka-wajiga ah looga adkaaday waxay ka badin la’yihiin inay shacabka laayaan oo ay geliyaan argagax iyo cabsi joogta ah.”

Weerarkii maanta ka dhacay degmada Baladweyne ayaa waxaa sheegtay in ay mas’uul ka yihiin Al-shabaab, iyadoo afhayeen u hadlay kooxdan uu ku sheegay wareysi uu bixiyay inay weerarkaas ku dileen saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan isugu jira.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay dalka ka cirib-tirto kooxahan shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka,” ayuu kusoo gabgabeeyay madaxweynuhu warsaxaafadeedkiisa.

Ma ahan markiiu ugu horreysay oo ay madaxda dowladda Soomaaliya sidan oo kale u cambaareeyaan qaraxyo ay Al-shabaab ka geysatay goobo kala duwan oo dalka ka tirsan, iyadoo toddobaadyo ka hor qarax weyn ay isla magaalada Baladweyne ka geysatay Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya