4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Xarakada Al-shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarradii Maanta lagu Qaaday Saldhigga Booliiska Baladweyne

Talaado, November 19, 2013(HOL) :- Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii isugu jiray ismiidaaminta iyo midka tooska ah ee maanta lagu qaaday saldhigga booliska degmada Baladweyne, kaaso ay ku dhinteen dad aad u badan oo isugu jiray askar iyo dad rayid ah.

Afhayeenka dhanka howlgallada ee xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarkii maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ay fuliyeen askar ka tirsan ciidamadooda, wuxuuna xusay in weerarkaasi lagu guuleystay.

“Anagaa ka danbeeynay weerarkaasi, waxaana ku dilnay 18 askari oo isugu jirta saraakiil Itoobiyaan iyo Jabuutiyaan ah, saldhiggana ciidamadeena ayaa la wareegnay” Ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab oo isagu aan sheegin tirada ciidamada fuliyay howlgalkan.

Sheekh Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in weerarkani uu ahaa mid ay ku bartilmaameedsadeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, mana uu sheegin cid shacab ah oo wax ku noqotay weerarka.

Ma jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan iyo weliba ciidamada AMISOM ee ku sugan halkaasi oo faahfaahin ka bixiyay weerarkii maanta iyo khasaarooyinka rasmiga ah eek a dhashay.

Weerar isugu jiray ismiidaamin iyo mid toos ah oo maanta lagu qaaday saldhigga magaalada Baladweyne ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur xooggan oo soo gaaray dhismayaal ganacsi oo ka agdhawaa saldhigga iyo sidoo kale aargadii magaalada Baladweyne oo iyadu gabi ahaanba burburtay.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya