4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Faahfaahin ku saabsan Weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah oo saakay lagu qaaday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne


Talaado, November, 19, 2013 (HOL) –Abaare saacad 10 : 05 daqiiqo ah ayaa mar kale dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa ay ka war-heleen dhawaqa qarax aad u xoog badan iyo rasaas isla socta oo ka dhaceysa ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo fariisin u ah ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Weerarka ismiidaaminta ah oo ahaa mid loo adegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay albaabka hore ee saldhiga, iyadoo intaa kadibna la mqlayay rasaas toos ah oo ay is-weydaarsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti iyo kooxo la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha saldhiga.

Hubka garbaha laga tuuro iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha boobaha ah ayaa qadar daqiiqado ah waxaa laga maqlayay gudaha iyo agagaarka saldhiga booliiska oo la sheegay in ay gudaha u galeen kooxo hubeysan oo markii uu qaraxa dhacay kadib weerar toos ah ku qaaday.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba isku fidiyay magaalada gaar ahaan agagaarka saldhiga booliiska, kuwaa oo dagaal toos ah la gallay kooxaha weerarka soo qaaday.

Dad badan oo isugu jiray ciidamo shacab intaba isugu jiray ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ah iyo weerarka tooska ah oo ay soo qaadeen kooxaha hubeysan.

Mar aan tagay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa ku arkay oo kaliya meydadka sadex ruux oo labo ka mid ahi haween ahaayeen, halka kan kalana uu ka tirsanaa ciidamada nabad-galyada wadooyinka ee Taraafikada, laakiin waxaa la ii sheegay in ay jiraan dad kale oo meydadkooda la geeyay xaafadaha.

Dhammaan waxaa uu bur bur xoog leh soo gaaray dhismayaashii ka ag dhawaa saldhiga booliiska oo ay ka mid tahay Aargada magaalada Beledweyne ay caanka ku tahay oo gabi ahaanba dhulka ku soo dhacday.

Xaaladdu hadda waa ay degan tahay waxaa wali socda baaritaanno ay wadaan saraakiisha iyo ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiishu siiyeen warbaahinta.

Weerarka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa kusoo beegmaya dhowr todobaad uun ka dib markii weerar Ismiidamin ah lagu qaaday maqaaxi aan wax badan ka fogeyn xarunta maamulka gobolka taasoo ay ku dhinteen dad ku dhaw 19 ruux oo rayid u badnaa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararjeeba dabe gaduu rabu qadaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.