4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Tiro aan badnayn oo ka mid ah Qoxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya ku nool oo doonaya inay Somalia kusoo laabtaan

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 100-qof ayaa oo ku nool xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa isku diyaarinaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, si ay nolol cusub uga abuuraan gudaha dalkooda.

Tallaabadan ay qaateen qaar ka mid ah qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku nool ayaa imaanaysa kaddib heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhex-maray xukuumadaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’ada UNHCR kaasoo ku saabsanaa dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed.

Xeryaha Dhadhaaab ee dalka Kenya ayaa waxaa ka socda diyaargarow ay ugu jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay inay ku tira-koobaan qoxootiga go’aansaday inay dib ugu laabtaan dalkooda iyo kuwa doonaya inay hakaas sii joogaan.

“Aniga waxaan doonayaa inaan dalkayga ku laabto, waayo aniga ayaa kusoo koray magac qoxootinimo ah, mana doonayo in caruurtayda ay ku koraan, sidaas awgeed dalkayga ayaa ah halka uu iiga hari karo magacan waana ku laabanayaa,” ayuu yiri C/llaahi Muuse oo ka mid ah Soomaalida 23-kii sano ku jiray xeryaha Dhadhaab Kenya.

Muuse ayaa la geeyay xeryaha Dhadhaab isagoo 10-sano jir ah, haddana waa 33-jir leh toddoba caruur ah, isagoo sheegay inuu go’aansaday inuusan mar kale qoxooti sii ahaan, caruurtiisana uu kala cararo xeryaha qoxootiga.

Sidoo kale, Faadumo Cumar oo iyaduna 21-jir ah kama mid ah caruurtii ku dhashay xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayaa sheegtay inaysan dib ugu laaban karin Soomaaliya, sababo la xiriira dagaallada sii socda iyo shaqo la’aan.

“Aniga waxaan ka baxay dugsi sare, kama heli karo Soomaaliya waxbarasho lacag la’aan ah, sidaa daraadeed waxaan doonayaa inaan halkan sii joogo si aan waxbarashadayda jaamacadeed u dhameysto,” ayay tiri Faadumo.

Dhanka kale, xeryaha qoxootiga Dhadhaab ayaa waxaa aad loo hadal hayaa dib u laabashada qoxootiga, iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ay sheegeen in ruuxa qoxootiga ah uu isagu dooranayo dib ugu laabashada dalkiisa, ayna howshan dib u celintu socon doonto saddexda sano ee nagu soo fool leh.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya