4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2013
Roobab la Filayo inay Saddexda Casho ee soo Socota si xiriir ah uga da’aan Deegaannada Puntland iyo Somaliland

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Roobab xiriir ah ayaa la filayaa inay ka da'aan saddexda casho ee soo socota deegaannada Puntland iyo Somaliland, iyadoo la sheegayo in roobabkan aysan ahayn kuwa khasaare geysanaya sidii kuwii dhawaan ka da'ay deegaannada bari ee Puntland.

Warbixin ay soo saartay hay’adda FAO ayaa lagu sheegay in roobab ay si joogto ah u socon doonaan saddexda casho ee soo socota, iyadoo roobab badan ay ku di’i doonaan gobolka Awdal, halkaasna ay biyo badan dhigi doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii deegaannada bariga Puntland ku yaalla ay u geysteen roobab dabeylo iyo qabow wata waxyeello xooggan, iyadoo illaa hadda la filayo inay ku dhinteen duufaantaas dad ka badan 350-qof.

Hay’adda FAO ayaa sidoo kale warbixinteedan ku sheegtay in biyaha labada webi ee Shabeelle iyo Jubba oo mara Soomaaliya ay aad u sarreeyaan, lana filan karo inay fatahaado sameeyaan haddii ay roobab kale da’aan.

Sidoo kale, hay’addu waxay sheegtay in dhulka ay webiyadu maraan ay aad u jlicsan yihiin, taasna ay sababi karo inay webiyadu qararka jabsadaan haddii ay dareemaan culeys kale oo dhinaca biyaha ah.

Maamullada Somaliland iyo Puntland ayaan weli ka hadlin roobabka cusub ee la sheegay inay ka da’ayaan deegaannadooda saddexda maalmood ee nagu soo fool leh, iyadoo tani ay baqdin gelisay qaar ka mid ah shacabka labadaas deeggaan ku nool.

Somaliland iyo Puntland ayaa waxaa ka jira maamullo aan wax xiriir ah la lahay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo maamulka Somaliland uu horay ugu dhawaaqay inuu ka go’anay Soomaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya