4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe dib ugu laabtay Kaddib Socdaal uu ku Tagay Deegaannadii Dufaantu ku dhufatay (SAWIRRO)


Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa dib ugu laabtay xalay Garoowe kadib markii uu soo gaba-gabeeyay socdaal saddex maalmood qaatay oo uu ku tagay deegaannadii ay dufaanta xooggan ku dhufatay toddobaadkii hore.

Faroole ayaa booqday deegaanno iyo tuulooyinka hoos yimaadda Eyl iyo Dan-goronyo kuwaasoo ka mid ahaa kuwii ay duufaantu sida xooggan u saameysay, isagoo u tagay dadkii musiibadu ay ku dhacday.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu dhib badan kusoo arkay deegaannadii uu booqday, isla markana ay wali jiraan baahiyo dhanka gar-garka oo ay u baahan yihiin dadkii ka samata-baxay musiibada..

"Waxaan tagnay intii aan maqnayn dhul ballaaran oo ka mid ah goobihii ay dhibaatadu ka dhacday, waxaan soo aragnay in wali ay jirto dhibaato, guri-guri ayaan u booqannay guryaha deegaannadaas ku yaalla xaalad daran oo dhinaca bani’aadamnimada ah ayaana ka jirta, waxaa lagama marmaan ah in dadkaas ay caawinaad helaan," ayuu yiri Faroole.

Sidoo kale, madaxweyne Puntland oo la hadlayay dadka ku nool deegaanka Qarxis, ayaa sheegay in xilligaan ay dadaal ugu jiraan sidii loo heli lahaa dib-u-dajin loo sameeyo dadkii ay dhibaatadu ku dhacday, wuxuuna soo hadal-qaaday markii laga gudbo marxaladda adag ee xilligaan u baahan gargaarka in la gudda gali doono qorshayaal dib u dajin loogu sameenayey dadkii ay ka laysay duufaantu xoolihii ay haysteen.

"Xukuumaddu waxay awoodda saarreysa ku bixinaysaa sidii dadkaas dib u dajin loogu samayn lahaa si ay uga kabtaan xaaladda adag ee ku dhacday, qorshahanna waxaa la hirgelin doonaa marka laga gudbo gurmadka, taasoo ay xigi doonto in la dajiyo qorshihii dib u dejinta loogu sameen lahaa dadka ku cayroobay musiibada. Waxaana ku dadaalayna sidii ay arrinta ugu dhici lahaayd sida ugu dhaqsiyaha badan," ayuu mar kale yiri Faroole.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu soo hadal-qaaday in socdaalkiisa uu ahaa sidii uu u gaari lahaa dhammaan deegaannadii ay waxyeelladu ka dhacday, balse aysan u suuro-galin inay gaaraan maadaama uusan jirin dhul ay u maraan.

Isku soo wada-duuboo wali waxaa ka soconaya deegaannada Puntland sidii wax lagu gaarsiin lahaa dadkii ay musiibadu ku dhacday, inkastoo xilligaan la sheegayo in isbedel uu ka jiro xagga gar-gaar oo goobaha qaar wax lala gaaray xiligan.





Hiiraan Online, Gaalkacyo