4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Tababare Shiikha oo lagu soo dhaweeyay Minnesota (SAWIRRO)


Isniin, November 18, 2013 (HOL) - Tababare/halyey Cabdulqaadir Xaaji Daahir” Shiikha” ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka  kadib markii uu muddo 3 bilood ku dhawaad ku maqnaa dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.Macallin shiikha ayaa muddadii uu joogay dalka Soomaaliya waxaa uu tababaro dhanka kubadda koleyga uu siiyay macallimiinta naadiyada dalka iyo dhammaanba naadiyada  heerka 1aad ee ka dhisan dalka.

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta ururka SAYEC, waxaana ka soo qaybgalay odayaal isboortiga magac weyn ku lahaa iyo cayaarytooydii barisamaadka oo isugu jiray wiilal iyo gabdho intaba.

Macallin Ibraahim suudaani,macallin  cabdulqaadir Qariindi iyo Cabdi yuusuf ayaa iyagu ku soo dhaweeyay Shiikha gobolka Minnesota, iyaga oo uga mahadceliyay dadaalkii geesinimada lahaa ee uu ku tagay magaalada Muqdisho, gacanna kaga gaystay horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed.

Macallin Idiris Ibraahim Suleiman oo ka mid ahaa macallimiintii isagu wax ka soo layliyay macallin shiikha ayaa si kooban uga hadlay taariikhdii Shiikha, waxaana uu yiri Ragga saddex ayaa ugu xun…Nin Jooga oo aan la tirin, Nin tagaaya oo aan la celin iyo nin maqan oo aan la tabin.Marka Macallin Shiikha maqnaanshahaagii aad baan kuu tabnay,waana kugu soo dhaweynaynaa gobolka Minnesota.

Cabdirisaaq Siciid Marshaale iyo Cabdiraxmaan Guuleed Aamaan iyo Macallin  Mursal oo dhammaantoodaba ka wada tirsan maamulka isboortiga ee naadiga SAYEC iyo cayaar-tooydii barisamaadka  ayaa iyaguna si aad ah u bogaadiyay tallaabada uu ku dhaqaaqay macallin Shiikha oo ay ku tilmaameen  inay tahay mid ku dayasho mudan.

Gabdhihii kubbadda koleyga ee barisamaadka  Xaawo Hiiraan, Nimco Kenyati,Deeqo Cawil iyo Fartuun  Cali dheere ayaa iyaguna ku tilmaamay tagitaankii Shiikha ee Muqdisho mid Taariikhi ah oo baal weyn oo dahab ah ka gali doonta taariikhda kubadda koleyga Soomaaliyeed, waxaana ay ku soo dhaweeyeen gobolka  Minnesota.

 Tababare Cabdulqaadir xaaji Daahir”Shiikha”  ayaa ugu horrayn ka mahadceliyay casuumadda ay u fidiyeen walaalihiisa Minnesota, waxaana uu warbixin kooban ka bixiyay joogitaankiisa Muqdisho oo  uu ku sheegay inay  ahayd mid uu kaga tarjumayay casuumaad uu ka helay xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga , waxaana uu mahadcelin u jeediyay guddoomiyaha XSKK iyo xubnahiisa.

Muddadii aan joogay dalka  waxaan tababaro u fidiyay macallimiinta naadiyada iyo cayaartooyda naadiyada oo aan oran karo wxay si weyn uga faaiidaysteen wixii aqoontayda ahayd  ayuu yiri macallin shiikha.Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la kulmay madaxda guddiga Olimbikada oo uu kala sheekaystay horumarka isboortiga iyo kaalinta looga baahan yahay qurbajoogta  inay ka qaataan horumarinta isboortiga soomaaliyeed, waxaana isku aragti ay ka ka noqdeen waxyaabihii laga wada hadlay oo u badnaa in meesha  laga saaro madmadowga  soo kala dhexgalay  bulshadii isboortiga , loona wada jeesto waxqabad dhab ah.

Macallin Shiikha ayaa sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho ay ka socdeen meelo badan isboortiga noocyadiisa kala duwan sida tartanka kubadda gacanta, Tartankii kubadda Cagta, tartanka cayaaraha fudud  iyo tartankii kubadda koleyga ee Jeneraal daa’uud oo runtii I soo xusuusiyay waayihii barisamaadka oo aan ciyaari jirnay.. mana qiyaasi kartid dadka iyo isboorti jacaylka ka muuqda.Waxaana ay ahayd  booqashadayda Muqdisho mid aanan Illobi doonin.

Ma noqon doonto booqashadaydan middii iigu horraysay, iiguna dambaysay, waxaana diyaar u ahay inaan tago gobol kasta oo soomaaliyeed oo caruur soomaaliyeed ay joogto oo aan u gudbiyo wixii aqoontayda ee ku aadan isboortiga iyo horumarinta kubadda Koleyga.

Ugu dambayntii Macallin Shiikha waxaa uu mahadcelin gaar ah u diray guddoomiyaha XSKK Cabdullahi Nuur Maxamed ”Caddaani”, Guddoomiye ku xigeenka Cali Xasan, kaaliyaha Xoghayaha XSKK  Cabdi cabdullahi Baasaale, iyo Xubnaha XSKK guud ahaantoodaba.. waxaa kale oo uu mahad celin gaar ah u diray Guddoomiyaha degmada Cabdulcasiis Mudane Cabdullahi Fanax ,guddoomiye ku xigeenka,madaxa arrimaha Bulshada,xoghayaha Axmadey Aayo, iyo xubnahiisa   Xaliimo Indhoyare iyo shakhsiyaad gaar ah oo ay ka mid ahaayeen Mustaf Cabdicasiis,Cismaan Xaaji, Mulki Nuur Muudey, Nasro Eelaay, Ku simaha guddoomiyaha Olimbikada mudane Xaaji Colow, Ku simaha guddoomiyaha xiriirka cayaaraha fudud Marwo Khadiijo Cabdullahi  iyo guddoomiyaha kooxda Heegan Mudane Cali Shiino oo ah xubin guddiga Olimbikada soomaaliyeed.






Siyad said salah
[email protected]
Minnesota, Minneapolis