4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo Suldaan C/qaadir Luga-dheere oo Maanta si diirran loogu soo Dhaweeyay Magaalada Kismaayo

Isniin, November 18, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo Suldaan C/qaadir Lugadheere oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubooyinka ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Suldaan C/qaadir Lugadheere ayaa kamid ahaa siyaasiyiintii kasoo horjeeday maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Masuulkan iyo xubno kale oo uu horkacayo ayaa markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, waxaa halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Jubba oo ay kamid ahaayeen Hogaamiye kuxigeenka ahna sii hayaha xilka hogaamiyaha maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Cabdi Yuusuf (Qaldaan), odoyaal iyo waxgarad kale.

Hogaamiye kuxigeenka Jubba Jen Fartaag oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin wafdiga soo gaaray magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay in ay kusoo dhaweynayaan wejiga labaad ee shirka arimaha Jubooyinka ee la filayo in uu ka furmo magaalada Kismaayo.

Suldaan C/qaadir Lugadheere oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo, wuxuuna xusay in uu ka qeybqaadan doono dhameystirka maamulka Jubba, isagoona intaa ku daray hadda kadib aysan jiri doonin shirar lagu qaban doono banaanka oo looga hadlayo arimaha Jubooyinka.

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli war murtiyeed kasoo baxay shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ay qodobo dhowr ah ku kala saxiixdeen beelaha wada dega gobollada Jubooyinka, kuwaasoo ay dhinacyadu uga heshiiyeen colaadihii hore u dhexmaray.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya