4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Xisbiyada WADANI iyo KULMIYE oo ku loolamaya Guddoomiyeyaasha Guddi Hoosaadyadda Golaha Wakiiladda Somaliland

Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Xisbiyadda WADANI iyo KULMIYE, ayaa ku loolamaya gudoomiyeyaasha guddi hoosaadyadda golaha Wakiiladda Somaliland, ka dib markii uu dhowaan isku shaandheyn ku sameeyey gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI, ayaa kaga guulaystay xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye guddi hoosaadyada Arrimaha gudaha iyo gudidda joogtadda ee golaha Wakiiladda, halka xisbiga KULMIYana kaga guulaystay qaar kamid ah guddi hoosaadyadda kale.

Xildhibaan Ibraahim Cali Rayte oo hore uga soo baxay xisbiga KULMIYE balse dhowaan ku biiray xisbiga WADANI ayaa ku guulaystay inuu guddi hoosaadka arrimaha gudaha iyo nabadgalyada gudoomiye u noqdo, halka afhayeenka xisbiga WADANI oo ah Xildhibaan Ibraahim Buubaa oo isna ka soo baxay xisbiga UCID, balse ku biiray WADANI isna loo doortay guddi hoosaadka joogtadda ee golaha Wakiiladda.

Sidoo kale, guddiyada uu xisbiga KULMIYE isna ku guulaystay waxa ka mid ah  Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan Sanweyne oo loo doortay gudoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha, halka gudoomiyaha guddiga arrimaha bulshada isna loo doortay xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka soo baxay UDUB balse ku biiray xisbiga KULMIYE, guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa  iyo ilaalinta hantida qaranka ayaa isna loo doortay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah xubnaha xisbiga Kulmiye laga soo doortay, guddidda arrimaha dibada, khayraadka iyo shuruucda ayaan wali iyaguna dooran hogaankooddii.

Si kastaba ha ahaaatee, Gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhawaan isku shaandhayn ku sameeyay siddeeda guddi hoosaad ee golahasi ka kooban yahay, waxaana loolan adag ka dhexeeyaa KULMIYE iyo WADANI, kuwaas oo ku tartamaya gudoomiyeyaasha guddi hoosaadyadda golaha Wakiiladda, isagoo xisbi waliba ku dadaalayo inuu gudoomiyeyaasha kaga awood bato ka kale, inkastoo la odhan karo xisbiga muxaafadka ayaa kaga awoodo badan xaga xildhibaanadda, isla markaana dhoolotus ku sameeyey xisbiga WADANI awoodda uu ku leeyahay golaha dhexdiisa, haseyeeshee gudoomiyaha golaha Wakiilada ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa isna ku dadaalaya inuu hantiyo xildhibaanada si aanay xukuumadu mooshin xil ka xayuubina u keenin golaha.

Kala jiidashada xildhibaanadda ayaa ka dambaysay ka dib markii xisbiyada mucaaradka ahi ku baaqeen shir Dood qaran ah inay qabanayaan, balse xukuumaduna ay doodaasi qaran si weyn uga soo horjeedda, taasina waxay keentay inay si toos ah iskaga hor yimaadaan gudoomiyaha golaha Wakiilada iyo xukuumaddu.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland