4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2013
Ciidamada Booliiska dalka Kenya oo sheegay inay qabteen ruux Al-shabaab dhallinyaro ugu tababaray Gudaha Kenya

Isniin, November 18, 2013 (HOL) — Booliiska deegaanka Nyeri ee dalka Kenya ayaa sheegay inay xireen nin ka tirsan Al-shabaab kaasoo ay ku eedeyeen in dhallinyarada deegaankaas uu u tababarayay sidii ay uga mid noqon lahaa Al-shabaab.

Ninkan laga shakisan yahay ayaa la sheegay in isaga iyo saddex ruux oo ay walaalo yihiin ay tababar kusoo qaateen saldhigyo ay kooxda Al-shabaab ku leedahay gudaha dalka Soomaaliya. Iyadoo la sheegay in eedeysanahan uu ku xiran yahay xabsi qarsoodi ah.

“Eedeysanaha markii la soo qabtay waxaa lagu xiray xabsiga Ruring’u oo ku yaalla Nyeri. Waxaana la qabtay kaddib markii uu sheegay inuu Al-shabaab ka tirsan yahay uuna u hanjaby wadaad masjid ka dhisayay deegaankaas,” ayay u warbaahinta u sheegeen booliiska deegaankaas.

Wararka booliiska laga helayo ayaa sheegaya in ninkan uu kasoo laabtay sannadkii hore dalka Soomaaliya, halkaasoo uu tababarro kusoo qaatay, iyadoo ay sheegeen xubno booliiska ka tirsan in maxkamad la horgeyanyo.

“Ninkan waxaa walaalo yihiin saddex kale oo tababarro kusoo qaatay dalka Soomaaliya, kuwaasoo mid ka mid ah ay toogteen ciidamada milateriga dalka Kenya, kaddib markii uu isku dayay inuu rabashado ka sameeyo Kenya,” ayaa lagu yiri wararka booliiska laga helayo.

Ma jirto cid xaqiijinaysa in ninkan uu ka tirsan yahay Xarakada Al-shabaab, iyadoo kooxdan aysan weli ka hadlin in ninkaas ay qabteen booliiska dalka Kenya uu ka mid yahay xoogaggooda ku sugan Kenya.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa tan iyo markii uu dhacay weerarkii lagu qaaday bishii September daarta ganacsiga ee Westgate Mall waxay ku jireen feejignaan dheeraad ah, iyadoo dhawaan ay wasaaradda arrimaha gudaha ee Kenya sheegtay inay sharciyada kala laabtay in ka badan boqol ruux oo ajaanib ah oo dalkeeda ku nool.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhowr jeer ku hanjabtay inay qaraxyo iyo dilal ka geysan doono gudaha Kenya, haddii aysan Kenya ciidamadeeda kala bixin Soomaaliya, iyadoo madaxda Kenya ay dalabkaas ku gacan-sayreen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya