4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Xulka Kubadda Cagta Itoobiya oo Galabta laga reebay koobka Adduunka iyo Xulka Dalka Nigeria oo u soo baxay (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Xulka Qaranka kubadda cagta ee dalka Nigeria ayaa galabta ka taqalusay xulka qaranka kubadda cagta ee dalka Itoobiya ciyaar xiisa badnayd oo labada dhinac dhexmartay,waxaana ay ahayd lugtii labaad oo labada xul ay wada ciyaaraan.

Natiijadan ayaana ka dhigan in Nigeria ay labada lug ee isreeb-reebka kulanka kala baxa ku soo badisay 4-1, madaama lugtii hore ee ka dhacday Adis Ababa ay 2-1 ku soo badiyeen,iyadoo ciyartaas ay ahayd mid si siman ay labada dhinaca kubadda u wada qaybsanayeen.

Nigeria ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 20-aad ka dib markii loo dhigay rigoore, iyadoo kubad soo laabatay ay garabka kaga dhacday Aynalem Hailu, waxaana  garsooraha reer Gambia uusan ka laba-labeynin inuu rigoore uu u dhigo Nigeria.

Waxaa gooshaas run u badalay ,isla markaana u saxiixay xulka qaranka Nigeria laacibka lagu magacaabo Victor Moses ,iyadoo gaashaasi ay ka dhigantahay goolkii sedexaad oo rigoore ah oo uu ka dhaliyo Ethiopia sanadkan aynu ku jirno.

Gooshaasi rigoorada ah ka dib xulka qaranka  Ethiopia ayaa abuuray dhowr fursadood oo ay gool ku dhalin kareen, balse taasi ma dhacin, waayo daafaca Nigeria ayaa ahaa mid aad u dhiiran, isla markaana beeniyay fursad kasta oo ka imaanaysa dhinaca weerarka dalka Ethiopia,waxaana weerarkaasi ugu muhiimsanaa mid uu sameeyay daqiiqadii 13-ciyaaryahanka Saladadin Sicid oo u ciyaara xulka Itoobiya.

Qaybihii danbe ee ciyaarta ayaa u muuqatay mid hal dhinac u dhacday, iyadoo Nigeria ay inta badan maamulaysay haysashada kubadda, waxaana daqiiqadii 82-aad ciyaarta xiisaha ka riday Obina oo saxiixay goolkiisi labaad ee Nigeria,waxaana goolhayaha Itoobiya Sisay Bancha ku adkaatay in gooshaas oo ka difaacdo shabaqa.

Guusha Nigeria ay gaartay ayaa ka dhigan in ay u soo baxeen koobka qaramada aduunka ee sanadka danbe lagu qabanayo dalka Brazil, waana xulkii ugu horeeyay oo Africa ka socda oo buukin garaysatay bookiisa koobka aduunka 2014.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya