4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Maxkamadda Hargeysa oo Maanta xukun ku Ridday Abwaan lagu eedeeyey inuu Tiriyay Gabay uu ku Taageeray Weerarkii Westgate

Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa maanta xukun ku riday Abwaan Cabdiwaaxid Cali Gamadiid oo dhowaan tiriyey maanso uu ku taageerayo weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaaladda Noirobi ee dalka Kenya.

Abwaankan oo ka mid ah hal abuurka Da’da yar  ee suugaantiisu aad u shilistahay  ayaa muddo bil ku dhow ku xidhnaa xabsiga dhexe ee magaaladda Hargeysa, waxaanay maxkamadda gobolka Hargeysa ku xukuntay hal sanno oo xadhig ah iyo hal milyan oo shilling Somaliland ah.

Dacwadan oo ka socotay maxkamadda gobolka Hargeysa, ayaa lagu soo eedeeyey Abwaanka inuu Baastoolad sharci daro ah sitay iyo inuu taageeray weerarkii ka dhacay xarunta Ganacsi ee Nairobi.

Haseyeeshee Looyarka uu doodayey abwaanka Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdilaahi oo HOL uga waramayey sida uu u arko xukunkaasi ayaa sheegay inuu cadaalad daro ahaa, isla markaana aanu Abwaanku wax dambi ah ka galin Somaliland, isla markaana dastuurku damaanad qaaday inuu qofku fikirkiisa xorta ah ku hadli karo.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in qodobkii lagu soo oogay ee ahaa inuu baastalad sharci daro ah sitay lagu waayey ka dib markii uu maxkamadda  horkeenay sharciga uu u haysto baastolada, isla markana dastuurku u fasaxayo inuu qofku haysan karo hubka fudud haddii uu sharci u haysto,  sidaas darteed lagu waayey dambigaasi, haseyeeshee lagu eedeeyey qodob kale oo ah inuu tiriyey Gabay Dhiirigalin ah.

“Xadhig iyo xukunkuba cadaalad daro ayuu ahaa oo waxa lagu xidhay Gabay, gabayguna waxa uu ka hadlayey waxyaalo farobadan”ayuu yidhi garyaaqaanka u doodayey abwaanka garyaqaan Xuseen Shabeel, waxaanu intaas ku daray “ Qolada ku soo oogtay dambiga waxay adeegsadeen xeer ciqaabeed, wax dhib ah oo uu sheegayna ma jiro, qof kasta oo muwaadin ahi xaq dastuuriya  oo uu tilmamayo qodobka 32aad ayuu dastuurku u  damaanad qaaday inuu  xaq u leeyahay inuu muwaadinku fikirkiisa ku soo bandhigi karo gabay, qoraal iyo hadalba,  waxyaalaha lagu soo oogay waxa kamid ahaa, laba qodob inuu bastoolad sharci daro sitay iyo inuu gabay dhiirigalin ah tiriyey, bastoolad sharci buu u haystay, eeddaasina  sidaas ayey kaga jabtay, qodobka labaad gabayga uu tiriyey wax dhib ah oo Somaliland ama caqabd ku ah oo la soo bandhigay ma jiro, ma garanayo meel uu ka yimid xukunkaasi lagu xukumay”ayuu yidhi Garyaqaan Shabeel oo u waramay HOL.

“Fal haddii uu dhaco oo aad wax ka sheegto maaha dhiirgalin, sida uu  ninka suxufiga ahi qarax ka dhacay Ciraaq uga waramo  ayuu abwaankuna ka warami karaa wixii dhacay, laakiin  inta aanu falku dhicin hadii laga sii hadlo ayey noqon kartaa dhiirigalin”ayuu yidhi Shabeel oo ka hadlayey qodobka lagu soo eedeeyey Abwaanka  oo xeer ilaaliyuhu ku soo oogay inuu tiriyey gabay dhiirigalin ah.

Garyaqaan Shabeel ayaa sheegay inay dacwadu socotay muddo bil ah, isla markaana fadhiyada maxkamaduna qaadatay ilaa shan fadhi, haseyeeshee ay maanta soo saartay xukunkaasi, waxaanu sheegay inuu ambiil ka qaadan doono xukunkaasi dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Abwaan Gamadiid oo ka mid ah abwaanada dhalinyarada ah ayaa weerarkii xarunta ganacsiga lagu weeraray ku taageeray Gabay, isla markaana barbar dhigay muslimiinta aduunka lagu dhibaataynayo ee aan waxba galabsan, haseyeeshee waxa markiiba xabsiga u taxaabay xukuumadda oo xukunkan ku riday .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland