4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo ka Qayb-galay Munaasabad lagu daah-furayey Xafiiska Maalgashiga Somaliland (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxamaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb galay munaasibad  lagu furayay xafiiska maal-gashiga ee wasaarada ganacsiga Somaliland.

Xaflad balaadhan oo ay soo qabanqaabisay wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland, ayaa lagu qabtay hoteel Ambasador ee Magaalada Hargaysa, kaas oo ay ka soo qaybgaleen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland,  Wasiirrada wasaaradaha ganacsiga, qorshaynta qaranka, xanaanada xoolaha iyo Gudoomiyaha Rugta Ganacasiga Somaliland iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Ganacasiga iyo maal-gashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay waaxdan cusub ee dhowaanta ku soo kordhiyeen wasaarada ganacsiga ee xafiiska maal-gashigu wax weyn ka tari doono maalgashiga Somaliland.

Dr. Maxamed Cabdilaahi ayaa xusay inuu xafiiskani shaqadiisu noqon doono sidii uu dalka ugu soo jiidi lahaa maal-gashadayaal badan oo ka qayb qaata horumarinta dhaqaalaha Dalka, isagoo diyaariyey buugii maalgashiga ee ay ku shaqayn lahaayeen maalgashiyaashu.

Wasiirka wasaarada qorashayanta qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo isna  sharaxaad ka bixiyey mudnaanta uu xafiisakani u leeyahay Ganacsiga dalka iyo wasaaradaba waxaanu soo jeediyay in cid kasta oo dalka maal-gashanaysa uu xafiiskani ka taageerayo barnaamijkiisa iyo mashaariicda ay dalka ka hirgalinayaan waxaana uu ku bogaadayay masuuliyiinta wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah furtitaanka xafiiskan.

Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Md.Maxamed Shukri ayaa soo dhaweeyay talaabada ay wasaarada ganacsigu qaaaday taas oo uu ku tilmaamay talaabo haboon oo xiligeedii la qaaday.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo xidhay daahfurka xafiiskan cusub ee maalgashiga ayaa tilmaamay in xafiiskan maal-gashiga ee wasaarada ganacsigu uu ka qayb qaadan doono horumarinta dhaqaalaha dalka, kaas oo uu sheegay in aan looga maarmin hawlaha ganacsiga.

Madaxweyne xigeenku waxa uu xusay in xafiiskani uu wax ka tari doono dhinacyada kor u kaca dhaqaalaha, shaqo abuurka waxaana uu ku bogaadiyay masuuliyiinta wasaarada Ganacsiga tallaabada furitaanka xafiiskaas, waxaanu wasaarada gancsiga ku amaanay dadaalka iyo shaqada cusub ee ay qabteen, isla markaana ay dhiirigalin u tahay maalqabeenadu inay maalgashan karaan Somaliland, isla markaana loo diyaariyey buugii hagi lahaa maalgashiga..

Sidoo kale, waxa isna ka hadlay Wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir oo soo dhoweeyey xafiiskan cusub.





Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland