4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Guddoomiyaha Maamulka gobolka Hiiraan oo Beledweyne ku laabtay kaddib Toddobaadyo uu safar uga maqnaa (SAWIRRO)


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo toddobaadyadii ugu dambeeyayba ku sugnaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM, odayaasha dhaqanka iyo ururada dhalinyarrada gobolka.

Intaa kadib waxaa uu kulan la yeeshay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo faah faahin dheeraad ah ka siiyay guddoomiyaha xaalada guud ee gobolka iyo halka ay marayaan howlaha shaqo ee maamulka.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa warbixin ka dhageystay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo todobadyadii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Beledweyne, oo si kooban guddoomiyaha uga warbixiyay xalka ay marayaan howlaha dib-u-hishiisiinta beello ku dagaallamay deegaanno ka tirsan gobolka iyo qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle iyo xildhibaan C/naasir Gaarane oo siweyn isugu howlay soo afjarista colaada beellaha wada dega deegaannada Deefoow iyo Kabxanley, ayaa u sheegay guddoomiyaha in kulamo ay la qaateen waxgaradka iyo odayaasha labada dhinac ku guuleysteen in inta badan ay soo afjaraan wixii khilaaf ah ee jiray.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan ayaa uga mahad celiyay mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, xildhibaannada iyo waxgaradka doorkii ay ka qaateen sugida ammniga.

“Waxaan rabaa in aan halkan uga mahad celiyo mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo xildhibaannada runtii isku howllay siddii loo nabadeyn lahaa beellaha walaalaha ee ku diriray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, wixii ka dhiman wada hadalladana waa sidii wadi doonaa,’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka.

Waxaa uu sheegay in todobaadyadii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho uu kulamo la yeeshay mas’uuliyiinta dowladda, hay’addo ka shaqeeya samafalka iyo arrimaha hormarinta, oo dhamaantood aan kala hadllay ayuu yiri xaalada gobolka.

“Safarkeygii magaalada Muqdisho runtii waxaan oran karaa waa uu ahaa safar guul ku soo dhamaaday, waan is aragnay mas’uuliyiinta dowladda, sidoo kale waxaa is aragnay oo aan kulamo kala duwan la yeeshay hay’addo ka shaqeeya arrimaha samafalka iyo hormarinta, oo aan kala hadllay dib-u-dhiska kaabayaashii bulshada ee ku bur buray dagaalladii sokeeya, waxaana rajeynayaan mudo gaaban gudahood wax badan iska badalli doonaan arrimaha hormarinta gobolka,’’ ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Dhinaca ammniga mar uu soo hadal qaaday waxaa u sheegay in maamulka gobolka Hiiraan uu leeyahay ciidamo awood leh oo ku fillan sida uu sheegay sugida nabad-galyada, waxaana uu ku baaqay in dib loo furo guud ahaanba goobihii ganacsiga ku xirmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee dhawaan ka dhacay magaalada Beledweyne.

Ugu danbeyn, guddoomiyaha ayaa siweyn u soo dhaweeyay qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan oo sida uu sheegay maamulku door weyn ka qaadan doono sidii loo her-galin lahaa, isaga oo u mahad celiyay mas’uuliyiinta wasaarrada arrimaha gudaha ee mudada dheer ku sugan magaalada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya