4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
XILDHIBAAN C/RAXMAAN XOOSH: “Khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo Madaxweynuhu ma ahan mid Dastuuri ah”

Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia horayna u ahaa wasiirkii dastuurka iyo arrimaha federaalka dowladdii KMG ahayd ayaa sheegay in khliaafka u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha uu yahay mid siyaasadeed, balse aanu ahayn mid dastuurka salka ku haya.

C/raxmaan Xoosh oo toddobaadkan u warramayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay in madaxweynuhu uu xaq u leeyahay inuu weydiisto ra’iisul wasaaraha inuu xilka iska casilo, ra’iisul wasaaraha ay tahay inuu ogolaado inuu xilka ka dago.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaruhu waxay ku kala duwan yihiin hal arrin oo ah in madaxweynaha uu ku yimid doorasho iyo in ra’iisul wasaaraha uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, taasna madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu weydiisto inuu xilka iska dago,” ayuu yiri xildhibaan Xoosh.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu hoosta ka xariiqay in khilaafka u dhexeeya labada mas’uul ee dalka ugu sarreeya uu ahaa mid muddo soo jiitamayay ayna iyagoo xildhibaanno badan ka dalbadeen madaxweynaha in isbedel la sameeyo.

“Dhowr bilood ka hor 97-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ayaa mooshin ka geeyay ra’iisul wasaaraha golaha baarlamaanka, qofkii diidayna wuxuu ahaa madaxweynaha oo ku yiri meesha ha igu ceebeynina ma rabo inaan ra’iisul wasaaraha meesha ka saaro waqti yar ayaa dhiman, laakiinse waxaa soo kordhay culeyskii madaxweynuhuna taas ayuu ka jawaabay, waxaana qabaa in haddii ra’iisul wasaaraha la yiri is-tiqaalada iska dhiib inuu iska dhiibo,” ayuu Xoosh hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Somalia uu ku gacan-sayray toddobaadkii hore dalabkii madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa inuu xilka iska casilo, isagoo sheeagy in khilaafkooda uu yahay mid salka ku haya dastuurka ayna ku kala baxayaan datsuurka.

“Go’aanka madaxweynaha uu kaga dalbaday ra’iisul wasaaraha inuu is-casilo ma ahan mid isaga ka timid ee waa mid culeys lagu saaray, muddo badan ayaa weydiisanaynay isbedel, taas ayuuna ka jawaabay,” ayuu xildhibaanku ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu diidi karo inuu xilka wareejiyo, balse waxaa khasab ku ah inuu horyimaado baarlamaanka oo uu kalsoonida weydiisto, balse tan u fiican ay tahay inuu xilka ka casilo.

Ugu dambeyn C/raxmaan Xoosh ayaa hadakiisa kusoo gabgabeeyay in Soomaaliya ay ka jirtay caado soo jireen ah tan iyo markii madaxweynaha uu ahaa Aadan Cadde taasoo ahayd buu yiri haddii ay madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhu is-qabtaan in loo faataxeeyo ra'iisul wasaaraha, maadaama aan laga horimaan karin madaxweynaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya