4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo diiday dib u dhigista dacwada loo haysto Madaxweynaha Kenya iyo ku xigeenkiisa


Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa diiday in dib loo dhigo muddo hal sano ah dacwadda loo haysto madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo ay dacwadi kaga socoto maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa ka shiray dalab kaga yimid Midowga Afrika oo ahaa in dib loo dhigo dacwadda labada mas’uul, kuwaasoo loo haysto in ay mas’uul ka ahaayeen rabshadihii ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2007, kuwaasoo ay ku dhinteen 1100-qof tiro kalena ay ku barakaceen.

Kulankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay arrintan ka yeesheen ayay ku kala qaybsameen, iyadoo ugu dambeyn goluhu uu isku raacay inaan dib loo dhigi karin dacwaddan muddo sannad ah, taasoo ka dhigan in goluhu uu ku gacan-sayray dalabkii ururka Midowga Afrika.

Dacwooyinka loo haysto Kenyatta iyo Ruto ayaa horay u beeniyay inay iyagu mas’uul ka ahaayeen dhibaatooyinkaas, balse waxay go’aansadeen inay hor-tagaan maxkamadda ICC si ay isku difaacaan.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa xarunta maxkamadda dambiyada ee ICC ka soconayay dacwad loo haysto Willam Ruto iyo wariye Jushua Arab Sang oo ka mid ah suxufiyiinta Kenya oo ku eedeysan inuu huriyay rabshadihii ka dhacay Kenya.

Madaxweynaha Kenya ayaa lagu wadaa inuu bishan hortago maxkamadda ICC si u u dhageysto dacwaddiisa, iyadoo lagu wado in inta dacwaddu socoto la horkeeno maxkamadda dad ku marag-kacaya Kenyatta inuu lahaa qaar ka mid ah mas’uuliyaddii rabashadihii dhacay 2007 kaasoo ka dhashay kaddib markii lagu murmay doorashadii madaxnimo ee sannadkaas dhacday.

Ururka Midowga Afrika ayaa kulammo ay xaruntooda ku yeesheen bilihii la soo dhaafay u cambaareeyay maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC in ay ugaarsato madaxda Afrika oo keliya, taasna aysan ahayn mid cadaalad ku saleysan.

Madaxda Afrika ayaa ugu dambeyn, warsaxaafadeed ay kasoo saareen shir ay ku yeesheen Addis Ababa ku sheegay in maxkamadda dambiyada aysan u yeeri karin hoggaamiye Afrikaan ah oo xil haya, lana sugo inta uu xilka ka dagayo.

Ugu dambeyn, baarlamaanka Kenya ayaa bishii hore ansixiyay hidise ay uga baxayso Kenya ka mid ahaanshaha maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay maxkamaddu ay sheegeen in go’aankan uusan hakin doonin sii socoshada dacwooyinka Kenyatta iyo Ruto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya