4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Somalia oo Maanta kaga Qayb-galeysa Dalka Kuwait Shirka Waddamada Carabta iyo Afrika

Sabti, November 16, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaliya ayaa maanta oo Sabti ah ka qayb-galaysa shir u furmaya wasiirro arrimo dibadeedka dalalka Carabta iyo Afrika, kaasoo ka dhacaya magaalada Kuwait ee caasimadda dalka Kuwait ,waxaana looga doodi doonaa arimo ay kamid yihiin in Africa laga taageero horumarinta dhaqaaalaha iyo in kor-loo qaado xiriirada labada dhinac.

Waxaa shirkan dowladda Soomaaliya  u matalaya raysul-wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada Fawzia Yuusuf ,iyadoo intaa ka dib ka sii qayb-gali doonta shir madaxeedka  sedexaad ee boqorada, madaxda wadamada Carabta iyo Afrika,kaasi oo isna furmi doona 19-bishan aynu ku jirno.

Shirkan ayaa inta uu socdo waxaa kaloo lagu falanqayn doonaa habka ugu haboon ee xiriir wanaagsan u dhex-mari karo dowladaha carabta iyo Africa ,iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono sidii wadamo ka tirsan Africa maalgashi loogu samaysan lahaa oo ay Soomaliya ka mid tahay.

‘Dowladaha carabta waxey fursad u haystaan in ay maal-gashi ku sameeyaan dalka Soomaaliya ,aniga oo halkan si gaar ah uga mahad-celinaya amiirka Kuwait oo kaalmo ka gaystay dhibaatoyinkii ka dhacay dalkeena ‘ayuu yiri Abdulaahi Hassan Mahamuud oo ah safiirka u fadhiya Soomaaliya oo la hadlayay wakaaladda wararka ee dalka Kuwait maalinimadii shalay.

Sidoo kale safiirka ayaa ka dalbaday dowladaha carabta in taageero weyn ay  ka gaystaan dib u dhiska dalkiisa ,isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan kaalmada dowladaha carabta gaar ahaan dalka Kuwait.

Dhinaca kale, guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ayaa isna ka mid ah mas'uuliyiinta shirkaasi ka qayb-galaya, isagoo inta uu jooga magaalada Kuwait la kulmi doona madaxda barlaamanada dowladaha Carabta.

Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii 2010-ka kaga qayb-gashay shirkan mid la mid ah magaalada Sirta ee dalka Libya, waxaana shirkan uu kusoo beegmaya, iyadoo ay Soomaaliya xiligan ka shaqaynayso dowlad aan KMG ahayn, isla markaana gali karta heshiisyo caalami ah oo dalka dib loogu dhisayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya